Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Muranka Saami Qaybsiga Wakiilladu U Baahan Yahay Tallo Qaran

0
552

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo shalay u socdaalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ka hadlay xeerka saamiqaybsiga baarlamaanka ee muranka abuuray. Md. Saylici oo shalay intii aanu dhoofin saxaafadda kula hadlay madaarka, ayaa ka hadlay ujeedada safarkiisa,  “Aniga iyo wefti aanu hogaaminaynaa waxaanu maanta safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa. Inshaa Allah muddo kooban oo laba cisho ah ayaanu ku maqnaan doonaa. Safarkaasi waa safar shaqo oo  wasiiro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaanu u soconnaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyaan, iskaashi badana aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.

Madaxweyne xigeenka oo wax laga waydiiyay arrinta saami qaybsiga golaha wakiillada ee sababtay in mudaneyaasha gobolada Galbeed diidaan inay ka soo xaadiraan golaha wakiillada illaa saamigooda la kordhiyay waxa uu sheegay in arrintaasi tahay cabasho jirta oo talo qaran u baahan.

“Arrintaas xukumaddu qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta baarlamanku waa arrin talo qaran u baahan, xildhibaannaduna meel ma tagin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo qaran oo u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor yaal golaha wakiillada markaa marka doodiisu bilaamato iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhiin oo aan laga hor dhici karrin,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.