Madaxweyne-xigeenka Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Ka Qalin Jebisay CSI

0
498

Picture2Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb galay xaflad ay ku qalan jabiyeen Arday ka baxday Machadka Shaqaalaha Dawladda ee CSI-da.

Munaasibadii loo qabtay Ardaydan qalin jabisay oo ka dhacday Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka (Saylici), Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Imaan, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha, Agaasimaha  iyo Agaasime ku xigeenka Machadka Shaqaalalha, Walidiin, Arday iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Guuleed Cumar Siciid, oo isagu munaasibadaas qalan jabinta ka hadlay ayaa ka war bixiyey kuuliyadaha kala duwan ee ay Ardaydani ka qalan jabisay, tirade qalan jabisay ee iskugu jira hablo iyo inamaba, ‘Waxa aynu Maanta u taaganahay Xafladii qalan jabinta Machadka Dawladda,oo ay ka soo baxeen Arday ay tiradoodu dhan tahay 95,  waxa aadn aad ugu hambaliyeynayaa Shaqaalaha isla markaana ah waalidiin, isla markaana ah xubnaha ugu muhiimsan Somaliland, isla markaana Ardayda Maanta halkan ka qalan jabisay, oo u soo dhabar adaygay Saddex Sannadood, ku sii dheeran maayo waa laga wada dharagsan yahay Machadka iyo sida uu shaqeeyo, machadka Shaqaalaha markii uu arkay rikoodhkii loo soo gudbiyey, markii uu la tashaday waaxaha iyo qaybta akadimiga machadka, markii ay buuxiyeen Ardayda halkaas fadhidaa shuruudihii looga baahnaa darajada aqoonta, waxa ay maanta ku qalan jabinayaan Shahaadada heerka kowaad ee Jaamacada ee Degree-ga”.

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha mar uu ka hadlaayey kuuliyadaha ay Ardaydani ka qalan jabisay waxa uu yidhi “Waxa hadda I hor fadhiya saddexda qaybood oo kala ah Waaxda Xisaabadka,. Waaxda Maamulka xafiisyada Dawladda iyo waaxda horumarka mareeynta , waxa aan ugu horeeysiinayaa Waaxda Xisaabadka oo ay ka qalan jabiyeen 22 arday oo sagaal ka mid ahi ay yihiin Dumar yihiin, Waaxda Maamulka Xafiisyada Dawladda waxa ka qalan jabiyey 33 arday, oo Todoba ka mid ahi dumar yihiin, waxaan ku xigsiinaya Waaxda horumarinta maareeynta  oo ay ka qalan jabiyaan 40 arday oo 12 ka mid ahi dumar yihiin, tirada guud ee qalan jabisay waa  95-arday, 28  waa Dumar,boqolkiiba sodon waa dumar”

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof. Maxamed Mixile Boqore oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Xukuumadda Somaliland, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay inay kaalin libaax leh ka qaadatay horumarka Machadka Shaqaalahal, waxaanu tilmaamay in wixii dakhliya ee ay u baahdo Machadka Shaqaaluhu inay Wasaaraddu siiso.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Agaasime ku xigeenka Machadka Shaqaalaha Xirsi Cabdilaahi Cali oo isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey ayaa mahadnaq iyo hambalyo u diray Ardaydii ka qalan jabisay Machadka Shaqaalaha oo uu mustaqbal wanaagsan u rajeeyey.

Wasiirka Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Aw Daahir iyo Wasiir dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cadaani Mooge oo iyana Munaasibadaas  ka hadlay ayaa  mahadnaq iyo hambaliyo u diray Arday ka qalan jabisay Machadka Dawladda, madaama Shaqaale ka mid ahi Wasaaradahooda ay uga qalan jabiyeen,guul iyo horumar ayeyna u rajeeyeen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa  hambaliyo u diray Ardaydan qalan jabisay, “Waxa noo farxad ah in Shaqaalihii Dawladda ee hawsha Qaranka gacanta ku hayey, inay maanta machadkii shaqaalaha ka qalan jabinayaan, waxayna hawshaasi ku timid dardar gelinta iyo maamul wanaaga iyo horumarka dalka lagu wado, shaqadu waxa ay u baahan tahay meeshii lagu shaqaynayey oo la hagaajiyo iyo qofkii shaqaynayey oo la tababaro, si loo helo adeegii uu wadanku u baahnaa, runtiina waa wax lagu faani karo in Machadkeenu muddadii uu soo jiray is bedelka iyo horumarka balaadhan balaadhan ee uu gaadhay, waana siyaasada Xukuumadda in la dhiirigeliyo, la kobciyo,  sarena loo qaado tayada Shaqaalaha dhan kastaba ha ahaato, waxaana rajnaynayaa in waxaad barateen ay ka muuqato Hay’addihiina iyo Wasaaraddihiina”

Ugu dambayntiina Madaxweyne ku xigeenka ayaa Shahaadooyinkii gudoonsiiyey Ardaydii ka qalan jabisay Machadka  Shaqaalaha.