Beelaha Carabta Somaliland Oo Kulan Ay Qabsadeen Xukuumadda Ku Taageeray

0
774

Picture1Hargeysa (Geeska)- Beesha Carabta Somaliland ayaa kulan ballaadhan oo ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa waxa ay ka soo saareen go’aamo iyo soo jeedimo ay ka mid tahay in ay taageersan yihiin xukuumadda Somaliland.

Kulankan waxa ay beeshu kaga dhawaaqday guddi horumarineed oo ka talisa arimaha beesha, waxa aanay ka soo saareen baaq adag oo ay xukuumadda Somaliland kaga codsanayaan in ay helaan saamiga beelnimo ee ay xaqa u leeyihiin maadaama oo ay ka mid yihiin beelaha muwaadiniinta ah ee dalka wadaaga.

Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Suldaanka Guud Beesha Carabta Siciid Maxamuud Cali Salmaan, Jiif Caaqilka Beesha ee Gobollka Maroodi-jeex Maxamed Sayid Cabdijibaar, Aqoonyahannada beesha, Dhalinyaro iyo Haween, ugu horayn waxaa ka hadlay Jiif-Caaqil Maxamed Sayid oo ay hadalladiisa ka mid ahaayeen, “Beesha Carabta Somaliland waxa ay dhowaan qabsatay shir weyn oo lagu doortay Guddi, ka shaqayn doonta Horumarinta, Nabadgelyada iyo danaha beesha iyo Dalkaba, waxaana guddidaasi ay ka kooban tahay 13 Xubnood oo guud ahaanba ka soo kala jeeda Gobollada Somaliland. Hawsha guddidaas loo igmaday ee kale waa in ay isku xidhi doonaan beesha guud ee Carabta iyo Xukuumada Somaliland, ka Beel ahaan waxaanu taageersanahay Xukuumada hadda talada haysa ee Somaliland.” Jiif Caaqil Maxamed Sayid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku sii daray, “Waxaanu diyaar u nahay mar kasta ilaalinta Nabadgeliyada Somaliland, waxaanuna ka Beel ahaan soo dhawaynaynaa wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaaliya oo aanu filayno in ay ka soo baxaan go’aamo dan u ah Somaliland iyo xuquuqdeeda qarannimo”

Dhanka kale Suldaanka Guud Beelaha Carabta Siciid Maxamuud Cali Salmaan oo isna madashaas ka hadlay ayaa baaq u diraya xukuumada, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Labadihii xukuumadood ee ugu horreeyey Somaliland oo ahaa xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo tii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal labadaas xukuumadoodba waxa ay beesha siiyeen xaqii ay ku lahayd saami qaybsiga awoodaha dalka. Laakiin, nasiib darro, labadii xukuumadood ee ka danbeeyey waxba kama aanu helin, oo tii Daahir Rayaale hore ayaa ay nooga sii jeedsatay, tan uu hadda hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo dhabarka ayay iyaduna noo soo jeedisay…” Suldaanka guud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku sii daray, “Waxaanan leenahay Walaalayaal noo soo jeesta, waxaanu nahay beelihii degenaa Somaliland, waxaanu nahay beelihii laga soo jeeday, dib ula soo noqoshadii Dimuqraadiyada Somaliland qayb laxaad leh ayaanu ka qaadanay oo naf iyo maalba waanu u hurnay, calanka Astaanta u ah Somaliland waxaa sameeyay Xildhibaan Carab ah oo ahaa Golihii Guurtida ee Xukuumadii Cabdiraxmaan Tuur, waxaanuna leenahay xukuumada in baddan baanu hadalnay oo si kor iyo hoosba ah u hadalnay ee waxaanu jecel nahay markasta inaydun noo soo jeesataan oo wixii aanu xaqa u leenahay na siisaan”.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Beelaha Carabta ee dhowaan la doortay Cali Siciid Ibraahim oo sheegay in Beesha Carabta Somaliland kulamadii ay isugu yimaaddeen ay ka soo saareen go’aamo ay ka mid yihiin:

– In jiritaanka Somaliland uu yahay Muqadas iyo mid aan gor-gortan geli karin.

– In beeshu qaybteeda ka qaadato dadaalka raadinta Ictiraafka Somaliland.

– In la raadiyo Hantida ma guurtada ah ee ka maqan Beesha.

– Iyo in la sameeyey guddi dhaqaale oo ay beeshu yeelato.

Dhinaca kalana waxa uu guddoomiyaha beesha Carabta Somaliland sheegay in beesha Carabta Somaliland ay dhowaan iskaashi iyo is-bahaysi la yeelatay Hindida asal ahaan reer Somaliland ah, lana samaysteen urur guud oo ay ku midaysan yihiin oo muddooyinkii dambe shirar uga socday Magaalada Hargeysa, shirkaad ayaa ay labada beelood iskula gaadheen go’aamo is kaashi iyo toosinta Xidhiidhka Beesha Carabta iyo Hindida iyo Xukuumada Somaliland u dhaxeeya.