Madaxweyne-xigeenka Oo Ka Soo Noqday Safarkii Dibadda

0
693

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu muddo Maraykanka ugu maqnaa socdaal. Wasiiro tira badan, Xildhibaanno, Madaxda Kulmiye, Madaxda dhaqanka, Haween iyo Masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne xigeenka ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa.

Madaxweyne xigeenka Somaliland, oo saxaafadda kula hadlay qolka nasashada Madaarka ayaa socdaalkiisa ku sheegay mid uu kulamo kula soo qaadanayay Jaaliyadda Somaliland ee Wadamada Waqooyiga America.

Madaxweyne xigeenka oo la waydiiyay waxyaabaha uu kala hadlay Jaaliyadda Gobolka Awdal ee Maraykanka oo la sheegay inay Suldaan Wabar taageeraan ayaa ku jawaabay “ Horta dad aad u fara badan maaha, dad qiimo weyn iyo muhiimad la siiyana maaha ee waa inyar oo maynoorati ah, intii aanu is gaadhnay way ku qanceen wixii aanu u sheegnay. Waxaanu u sheegnay inaan qaranimada Somaliland cidi ka lahayn oo shalay Madaxweyne ka ahaayeen, maanta ay joogaan, dorraadna joogeen. Markaa dadku wuu kala duwanaan karaa Laakiin boqolkiiba sagaashan(90%) dadka reer Awdal ee dibada joogaa waa reer Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale la waydiiyay in muddo kordhinta Xukumadda rabtaa xumaysay xidhiidhka Somaliland iyo beesha Caalamka “Maanan kala xuub siiban ee Beesha caalamka iyo anagu meel baanu u wada soconaa, waxaanu u wada soconaa dimuqraadiyadda inaanu kobcino, wixii talo iyo tusaale ahina qaranka ayay u wada yaalaan, sidii xeegana xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen ayaa la yeeli insha Allah” ayuu yidhi Mr Saylici.