Madaxweyne-xigeenka Oo Furay Kulan Lagu Darsayo Siyaasadda Waxbarashada Dalka Somaliland

0
548

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa furay kulan lagaga hadlaayo, laguna gorfeynayo Siyaasada iyo nidaamka waxbarasho ee dalka iyo sidii Sharci loogu sameyn lahaa Waxbarashada dalka, waxaana Kulankan oo saddex maalmood  socon doono, soo qaban qaabiyay hay’adda caalamiga ah ee Mercy Corps, waxaana maalgelisay USAID.

saylic-sax

Kulankan lagaga arinsanayo Siyaasada iyo sharci sameeynta nidaamka Waxbarasho ee dalka ayaa waxa shalay uu ka furmay Mansoor Hotel, waxaana ka soo qayb galay furitaankii munaasibadan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeeno, Wasiirul dawlayaal, Agaasimayaal, Masuuliyiinta Jaamacaddaha dalka, Maamulayaasha kala duwan ee Dugisyada dalka, Masuuliyiin ka socday Hay'adda Mercy Corps, Maayaro,  Marti sharaf iyo dadweyne aad u tiro badan.

Daahir Maxamed Yuusuf, oo ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaddii ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,  haddana ka mid ah Guddida ku hawlan sharci dejinta siyaasada Waxbarashada dalka, oo isagu kulankaas ugu horeyn ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Waxbarashada dalku, waxaanu sheegay inuu muddo dheer uu ku hawlaana hawshan, waxaanu ku taliyey in cidii ka hor timaada sharciga  iyo siyaasada loo dajiyo waxbarashada dalka in talaabo adag laga qaado.

Wasiiru-dawlaha Waxbarashada  Maxamed Xaaji Cilmi oo isna kulankaas  ka hadlay ayaa yidhi  “arintani waxay qayb-ka tahay siyaasadda dalka ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku hogaaminayo waxaanan idiin sheegayaa maanta looma kala hadhin oo Nuur iyo Naaleeyana waa dhanyahay”

 Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habane oo isna kulankaas ka hadlay ayaa  sheegay in muddo saddex  cisho ah ee kulankani soconayo  si looga wada hadlo  tayada Waxbarashada Somaliland iyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddida farsamadana la isla  eegi doono kaas oo waxna lagu daridoono wixii khalad ahna laga saari doono, waxaanu  Wasiirku  sheegay shirkan  dhaqaalaha ku baxaya hawshan inay bixisay hay’adda Mercy Corps kaas qayb ka ah mashruuca tayeynta waxbarashada, waxaanu yidhi “waxaan u mahad celinayaa hay’adda Mercy oo bixisay dhaqaalaha ku baxaya shirka iyo qoraalladiisaba.”

Dhanka kale waxa uu Wasiirka Waxbarashadu uu ku dheeraday qiimaha ay Waxbarashadu leedahay, waxaanu soo jeediyey in la iska kaashado sidii loo kobcin lahaa loona horumarin lahaa tayada waxbarashada ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caadani oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay ka Wasaaradda ahaan ka qayb qaadan doonaan horumarka iyo wacyigelinta Waxbarasho.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu si rasmiya kulankaas u furay, ayaa waxa   uu ka waramay qiimaha ay waxbarashadu leedahay, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay cid walba oo ka qayb qaadatay kulankan, waxaanu sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in kulankan ay ka soo baxaan qodob midho dhala oo ku saabsan horumarka Waxbarashada dalka,  waxaanu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda in aanay wali ka xoroobin qabyaalada oo xittaa ay Waxbarashadii gashay, waxaanu tilmaamay inay jiraan Macalimiin muddo dheer joogay Dugsiyo ku yaala deegaankooda, oo marka laga bedelo ay dhibi ka dhalanayso, waxaanu ku taliyey in qabiilnimada la iska daayo oo qaranimada la qaato, waxaanu yidhi “25 sano qaran jiray oo ilaa hadda ka xoroobi la’ qaybaaladdu; aan runta isu sheegnee meel ma gaadhi karo,waxaad ogtihiin inay banaanbaxyo waaweyni ka dhacayeen Gobalada iyo Degmooyinka dalkeena qaarkood kuwaas oo lagu diidanaa in qaar ka mida macalimiin la bedelay loo dhigay Banaan-baxyadaasi waayo macalin jacayl may ahayn waxay ahaayeen Qabiilo.”

Wuxuu u mahadceliyay ugu dambayn hay’adda Mercy Corps ee mashruuca fulinaysa.