Borama(Geeska)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xalay fiidkii gaadhay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame. Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci, Maayarka Boorame C/Raxmaan Shide Bille iyo Masuuliyiin kale.
Socdaalka madaxweyne xigeenka ayaa la sheegay inuu la xidhiidho ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE, waxaana taageerayaasha KULMIYE Arbacada kala qayb geli doonaa isu soo baxa lagu soo xidhayo ololaha doorashada ee KULMIYE.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isna la filayaa inuu Arbacada xisbiga KULMIYE kala qayb galo ololaha doorashada.
Dhawr ayay ururada siyaasadda qaarkood madaxweynaha ugu baaqeen inuu dhexdhexaad noqdo maadaama oo uu yahay hoggaamiyaha dalka, laakiin xisbiga KULMIYE ayaa ku doodaya in Madaxweyne Siilaanyo laga soo doortay xisbiga KULMIYE, xaqna u leeyahay inuu garab istaago wakhtiga ololaha doorashada.
Shirkii Aqoonyahanka Gobolka Gabiley ee ka dhacey Huteelka Dalxiis ee Magaalada Arabsiyo oo Laga Soo saarey Go’aano iyo Qodobo Muhiim ah kaas oo Nuqul kamid ah Go’aanadaas Shirka Aqoonyahanka la soo Gaadhsiiyay Xafiiska Gargayska Geeska Afrika isagoo dhameys tiran waxa uu u dhignaa Sidan.