“Madaxweyne Siilaanyo Taariikh Fiican Dalkan Kaga Tagi Maayo Oo Waa Wax La Hubo”

0
1074

Cabdiraxmaan Cadami

Hargyesa(Geeska)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa ka digay in shacbiga Somaliland uu u bislaan waayo arimaha doorashooyinka waxaanu ku baaqay in la dhimo ollolaha qabyaalada ku salaysan, saaxadana laga qabto  inta badan dad uu ku tilmaamay fidna walayaal.

Cabiraxmaan Cadami ayaa madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay madaxweyne hoggaamin ahaan iyo xukuumad ahaanba  talax gabay, waxaanu ugu baaqay in shacabiga waxa kaliyaata ee uu u qabtaa ay noqoto doorasho xalaal ah.

Waxaanu arimahan kaga hadlay shir jaraa’ido oo uu Hargyesa ku qabtay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Somaliland waxay soo gashay doorashooyin badan waxay ahayd inay doorashooyinkaas wax ka barato oo ay tan maanta noqoto doorasho durduro ah oo aan laga warwar iyo cabsi qabin oo lagu kalsoon yahay ileen waayo arag ayaynu u nahay oo intaas oo doorasho ayaynu soo galnaye, waxa nasiib daro ah in doorashada maanta inay ka warwar badantahay doorashooyinkii aynu soo gali jirnay, maxaa keenay sababo waa inay jiraan in iyaga oo maanta waayo arag ah inay warwaraan sababaheeda ayay leedahay, kow waxaynu odhanaynaa xisbiyada iyo taageerayaashoodu siday u dhaqmayaan maaha si lagu kalsoon yahay waa si warwar abuuraysa, qabyaalad ayaa ku lifaaqan, kala qaybqaybin ayaan ku lifaaqan, dadka oo la kala jiidayo oo la kala fogaynaayo ayaa ku lifaaqan, ogow doorashooyinkii hore qabyaaladi kamay maqnayn laakiin heerkan may gaadhsiisnayn.”

Cadami oo ka  hadlaayay talax gabka xukuumada madaxweyne Siilaanyo wax auu yidhi”qodobka labaad marka madaxweynii Jamhuuriyada Somaliland uu tamar gabo, markay xukuumadiisii tamar gabto, marka haayadii dawlada gaar ahaan fulintii ay noqdaan qaar jilicsan oo aan cago adag ku taagnayn intaas marka laysku geeyo, haayadii dawladu markay noqdaan jileec, xisbiyadiina ay hor ordaan kala kaxayn iyo qabyaalad, waxa fursad hela bulshada inteeda xun oo soo baxda oo xaga hore soo marta.”

Cabdiraxmaan Cadami ayaa ku eedeeyay wasiirka warfaafinta in wareegtooyinkii madaxweynaa aanu fulin oo tilifishankii qaranka ay ka baxaan barnaamijyo kala kaxayn iyo qabyaalad xanbaarsan  “Madaxweynaha waxaan su’aalayaa wasiirka warfaafinta haddii uu fulin waayay wareegtadaadii maxaad ka qabatay.”

Ugu danbayntii siyaasigan Cabdiraxmana Cadami waxa uu shacbiga,xukuumada iyo laamaha amaanka ee dalka u soo jeediyay”waxaan soo jeedinayaa kow in loo hoggaansamo amarada iyo shuruucda komishanka doorashooyinka, markaan leeyahay ha loo hogaansamo waxaan la hadlayaa saddexda xisbi qaran, in sideeda loo dhaqan galiyo wareegtadii madaxweynaa, in si dhab ah loo qaato dardaarankii madaxweynaa, in madaxweynuu hubiyo fulinta wareegtadiisa waxaan leeyahay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo taariikh fiican dalkan kaga tagi maysid oo waa wax la hubo, jaanis waxaad u hayasataa oo aanu kuu qori haddii aad doorashadaas siidhi wade fiican ka noqoto oo si xalaal ah oo nabadgalyo ah ay ku qabsoonto, dadka waayeelka,waxgaradka iyo muwaadiniinta xalaasha ah in aanay saaxada u banayn  afmiishaarka,fidnawadaha iyo inta xun ee bulshada, waayo warbaahinta waliba ta dawlada inta soo horaysa ee dadka wax u sheegaysaa waa intii xumayd. tilifishanka qaranka iyo idaacada Hargyesa waxaan u soo jeedinayaa inay masuuliyad weyni saaran tahay dhiirigalinta qabyaalada iyo waxii dadka kala dilaaya joojiya, wax ka badala barnaamijyadiina, haayadaha amniga waxaan u soo jeedinayaa in ay shaqadooda qabsadaan oo dadka xun ay waliba wakhtigan xaasaasiga ah ay fiiro gaar ah u yeeshaan, waxaan ka qabtaan ha sugin in lagu yidhaahdo hebel soo qabo adigu shaqadaada qabso. shacabka waxaan u soo jeedinayaa inay xisbiyada iyo musharaxiinta kula xisaabtamaan siday u dhaqmaan, cod bixiyuu ha ku xisaabtamo murashaxa  bisil ee dadka ururinaaya ee u tudhaaya, xisbi iyo taageerayaal nabadgalyada wax yeelaya in lagu abaalmariyo in codka la siiyo maaha ee waa in lagu ciqaabo oo codka loo diido.”