“Dugsiyada Waxbarashada Lagama Dhigan Karo Saaxad Siyaasadeed Oo Xisbiyadu Ku Loolamaan”

0
1272

Wasiirka waxbarashada

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa Xisbiyada ugu baaqay inay ka dheeraadan goobaha waxbarashada iyo guud ahaan Dugsiyada, waxaanu uga digay in Ardayda Loo adeegsado siyaasada iyo ololaha, waxaanu tilmaamay inay Dugsiyadu yihiin goobo waxbarasho, ee aanay habayn goobo siyaasadeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka ugu baaqay in si nabadgalyo ku jirto ay dareenkooda ku muujiyaan, kana fogaadan wax kasta oo dhib keeni kara, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya ololaha “Shacabku Waa inay si nabadgalyo ah dareenkooda ku muujiyaan, oo rabashada iyo wixii la mid ah laga hor tago, Xisbiga ay taageersan yihiina, waa inay si asluubi ku jirto, ololaha ugu soo baxaan, waana in laga fogaada wax walba oo dhibaato keeni karaya”.

Wasiirka Waxbarashada mar uu ka hadlaayey ololaha iyo Waxbarashada ayaa yidhi “Ardayda looma adeegsan karo Xisbiyada, guud ahaan Dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ahba lagama dhigan karo meel ay Xisbiyadu saaxadooda Siyaasada ay ugu tartamaan, Dugsiyadu wey u dhexeeyaan Xisbiyada, waana goobo Waxbarasho ee looguma tagalin olole iyo siyaasad, haddii ilmaha yar waalidkii Waddani yahay, ama Kulmiye yahay ama Ucid yahay, oo macalinkii Xisbi yahay sidee wax loogu dhigi karaa, waxaan leeyahay Ardayda ha lagu ixtiraamo Dugsiyada, oo yaan ololaha lagu mashquulin, Macaliimantana waxaan farayaa inay Ardayda si fiican wax u baraan, oo ay ka ilaaliyaan ololaha, kolay qof walba cida uu raali ka yahay ayuu codkiisa siinaya, balse waan ka digayaa in Goobaha Waxbarashada ee Ardaydu wax ku baranayso in loolan laga dhex bilaabo”.