Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Si Kedis Ah U Baajiyay Safar Uu Maanta Ugu Baxayay Turkiga, Su’aalaha La Iska Weydiiyay Iyo Jawaabta Xukuumadda

2
3993

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo la qorsheeyay inuu maanta safar ugu baxo dalka Turkiga, ayaa xalay go’aansaday inuu ka baaqdo safarkaas.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweynaha oo uu qorshihiisu ahaa inuu maanta u socdaalo magaalada Stanbul ee dalka Turkiga uu xalay go’aansaday inuu ka baaqdo safarkaas.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo saxaafadda kala hadlay baaqashada Madaxweynaha ayaa yidhi “Way ahayd inuu beri[Maanta] Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu Hoggaaminayaa ay socdaal ku tagaan dalka Turkiga, ka dib markii uu Madaxweynuhu marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal wasaare Rajab Tayyib Erdogan, hase yeeshee Madaxweynuhu ma baxayo, ka dib markii galabta lagu soo war-geliyay in Raysal wasaarihii uu kulanka la yeelan lahaa uu ku mashquulay hawlo deg-deg ah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Sidaasi darteed, waxa beri [saaka] baxaya wefti Wasiirro ah oo u sii samaynaya Madaxweynaha Gogol xaadh, kuwaasi oo kala ah Wasiirka Arrimaha dibadda oo Addis-ababa ku sii sugan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiirka Waxbarashadda,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland.

Wararka qaar ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweynuhu go’aankan gaadhay ka dib markiiu uu ka war helay in maalmaha uu dalka Turkiga booqanayo uu dalkaas ka maqanyahay Raysalwasaaraha Turkiga oo la sheegay inuu isagu martiqaad rasmi ah u soo diray Madaxweynaha Somaliland.

Warar kalena, waxay sheegayaan in Madaxweynuhu safarkiisa baajiyay ka dib markii uu ka war helay inaanay dawladda Turkigu u qaabili doonin si diiran.

Si kastaba ha ahaate, haddii uu Madaxweynuhu sidaas ku baajiyo safarka Turkiga, waa markii labaad ee uu khalkhal ka dhex dhaco Somaliland iyo Turkiga. Hore ayuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u saaray guddi qaban qaabisa soo dhawaynta  Raysalwasaare xigeenka Turkiga oo uu Madaxweynuhu wakhtigaas golaha wasiirada u sheegay inuu dalka iman doono. Laakiin Raysalwasaare xigeenka ayaa ka baaqsaday inuu safar ku yimaado Somaliland, waxaanu ka noqday magaalada Muqdisho.

Comments are closed.