Khasaare Ka Dhashay Kooxo Hubaysan Oo Jidka U Galay Wefti Ku Socday Xariirad Iyo Xiisad Deegaanadaas Ka Taagan

0
559

 

Picture4Xariirad( Geeska )-Xaalad xaasaasi ah ayaa ka jirta deegaanka Xariirad ee gobalka Selel, ka dib markii ay dablay hubaysani shalay dhexda u gashay wefti uu horkacayay badhasaabka gobalka Selel, kuwaas oo ka tagay dhinaca magaalada Saylac.

Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa maayar xigeenka degmada Saylac iyo taliyaha booliska ee gobalka Selel, waxaana weftiga oo  u socday xil wareejin xoghaye dawladeed oo uu Xariirad ku soo wareejinayay maayar xigeenka Saylac, dhexda u galay dablay hubaysan, kuwaas oo weftiga ku bilaabay rasaas nool. Laakiin khasaare ma gaadhin weftiga. Hase yeeshe laba maleeshiyo beeleed oo hubaysan oo gurmad ah ayaa la sheegay inay gelinkii dambe ee shalay isku dhaceen, waxaanay labada maleeshiyaad ka soo kala jeedeen Beelaha Samaroon iyo Ciise ee walaalaha ah, waxaana isku dhacaas ku dhintay nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda dhinaca Samaroon.

Maayarka magaalada Saylac Md.Xuseen Iidle Barkhad, oo wargayska Geeska Afrika uu la xidhiidhay si uu arintaas wax uga waydiiyo ayaa sheegay dhimashada hal qof iyo in isku dhacaasi uu labada beelood dhex maray, waxaanu maayarku sheegay in aanu war faah faahsan ka hayn dagaalkaas maadaama oo uu hawlo shaqo laba maalmood  ugu sugnaa magaalada Boorame.

Maayar Xuseen Iidle oo isku dhacaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “Hal qof oo dhimasho ah waan maqlay, qaabka uu isku dhacu u dhacayna wali iima cadda waxaan ahayn inay jireen wafti ka soo baxay Saylac oo uu hogaaminayay badhasaabku, taliyaha qaybta ee booliska oo nin cusub ah iyo gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka oo doonayay inuu wareejio Xariirad oo uu xog haye ka ahaan jiray.”

Ciidamada qaranka ee ku sugan jiiddaas, ayaa la geliyay heegan culus, waxaanay diyaar garow ugu jiraan inay kala dhex galaan haddiiba uu isku dhac dhex maro labadaas beelood ee walaalaha ah. Waxaana lagu soo waramayaa inay xiisad colaadeed deegaanadaas ka muuqato.

Mudooyinkii ugu danbaysay waxa deegaanadaas ka taagnaa khilaaf soo xoogaysanaayay oo labada beelood ee deegaankaas wada dagaa ay isku maan dhaafeen doorashadii golyaasha deegaanka iyo natiijadii ka soo baxday.