Hargeysa (Geeska)- “Inta uu talefanka igala soo hadlay ayaa uu igu yidhi, waxa aan doonayaa in aad noqoto xoghayahayg arrimaha dibadda. Aniguna waxa aan ugu jawaabay, Maya, maya, ha iga dhiganin aniga. Fadlan aniga iga daa, waxaa jira dad kale oo badan oo hawshan qaban kara” Sidaa waxaa sheegtay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo ka warramaysay qaabkii uu madaxweyne Obama ugu wargeliyey xilkan markii uu u magacaabay, iyada oo intaas ku sii dartay in ay kulmeen 11 November si ay arrintan isula sii jilciyaan aakhirkiina ay isla ogolaadeen, kadibna uu madaxweynuhu 14kii November shaaciyey warka ah in uu Hillary Clinton u magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Waa tusaale dhow oo tilmaamaya in sunnaha fiican ee dowladnimo iyo maamul uu yahay in hoggaamiyuhu uu la tashado ruuxa uu doonayo in uu xil u magacaabo, inta aanu warku dibadda u soo bixinna uu ruuxa ku qanciyo in uu xilkaas qabto. Ma’aha jid uu Maraykanku kelidii maro oo aynu suuq u raaidnayno waase dariiqa suuban ee hoggaamiye kastaa uu u maro magacaabista masuuliyiinta uu gacanyarayaasha ka dhiganayo.
Tan iyo bilowgii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waa soo ifbaxayey hab-dhaqan aan aad looga baran dalka ama marar dhif ah uun dhici jiray oo ah in masuul uu madaxweynuhu xil u dhiibay uu si cad u diido xilkaas loo dhiibay, isaga oo weliba marar badan warbaahinta uun madaxweynaha uga sheegaya in uu xilkaas iska diiday, inkasta oo ay jiraan sababo shakhsi ah oo qofkan xil-diidka ah u qarsoon, haddana sababta ugu weyn ee ay masuuliyiintii xilalka ku diidday madaxweyne Siilaanyo sheegeen waa in aan xilkan lagala tashan, ama haddii aynu si kale u dhigno in aanu madaxweynuhu waxba ka weydiin bal in ay xilkaas qaban karaan iyo in kale.
Marka aynu tusaale kooban ka soo qaadanno masuuliyiinta tan iyo bilowgii xilalka muhiimka ah ku diiday madaxweyne Siilaanyo ama aqbalay laakiin shaaciyey in aan lagala tashan kuwooda ugu mudan waxa aynu ka xusi karnaa; Sheekhul-baladka magaalada Borama Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo uu madaxweynuhu u magacaabay madaxa Diiwaanka (Komishanka) Sakada. Sheekhu xilkaas waa uu ka cudur daartay. Runtiina asluub aan siyaasadaysnayn oo sharfan ayaa uu u sheegay in xilkaas aanu u qaban karin sababo isaga u gaar ah dartood, taasna eed kuma laha. Laakiin ceebta markaba bannaanka u soo baxday ee aan ku qurux badnayn milgaha magacaabista xilalka qaranka ayaa ah in madaxweynuhu aanu Sheekha magacaabista ka hor la tashan ama ugu yaraan ku qancin, waayo haddiiay taasi jirto arrintan dambe ma’ay dhaceen.
Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar malaha liiskan waa uu ugu horreeyey laakiin kelidii kuma’ uu ahayn, waxaa jira masuuliyiin kale oo badan oo loo magacaabay komishanno qaran balse iyaguna ka cudur daartay xilalkaas digreetada magacaabisa kadib, masuuliyiintaas oo qaarkood ahaayeen dad magac ku dhex leh bulshada. Waxa kale oo isaguna ka mid ahaa Danjire Maxamed Sh.Xasan Nuuriye oo isna magaciisu ku soo baxay Isku-shaandhayntii madaxweynuhu sameeyey bishii Lixaad ee 2011kii. Danjire Nuuriye waxa uu qiray in madaxweynuhu ku wargeliyey, in mar ay madaxweynaha kulmeen uu weydiiyey bal in uu xil u diyaar yahay, markii dambanaku war geliyey in uu xilkan u magacaabayo, laakiin sida uu ku cawday waxa ay ahayd goor dambe oo habeennimo ah, hurdo uu ku jiray awgeedna uu xilkan si sibiq ah u aqbalay, markii uu waagu beryey ee uu arkay in xilka loo magacaabay uu yahay Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshayntana waxa uu u arkay in aanu u cuntamin. Waa lagu doodi karaa in Danjire Nuuriya laga tashaday laakiin haddii warma uu sheegay waxaa ka muuqda in ay weli taladii lagala yeeshay arrintan ay galdaloolooyin badani ku jireen.
Waxaa muuqata in xil diidista la kowsaday xukuumadda Md. Siilaanyo aanay noqon dersi uu ka bartay in uu wax ka beddelo qaabka magacaabista xilalka qaranka, waxa aanay sii socotay xilli uu cimriga xukuumaddu soo jiray waqti ku filan in ay waayo-aragnimo badani arrintan uga korodho; Isku shaandhayntii u dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo soo saaray ayaa mar kale lagu arkay isla gal-dalooladaas la-tashi la’aanta ah. Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa wasiirkii maaliyadda oo loo beddelay wasaaradda waxbarashada ayaa durbadiiba diiday, sababta ugu horreysay ee uu sheegayna waxa ay ahayd in aanu madaxweynuhu kala tashan in uu xilkaas cusub ee waxbarashada qabanayo, arrintaas oo uu xaq u lahaa Samaale.
Wasiirkii hore ee ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Md. Cali Siciid Raygal oo isku shaandhayntii u dambaysay madaxweynuhu u beddelay wasaaradda Dib-u-dejinta ayaa intii aanu xilkaa hore wareejin mar uu ka hadlayey munaasabad lagu daahfuray xarun lagu kaydinayo aataarka dalka waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Aniga lafataydu waxaan ka mid ahaa raggii la dhaqaajiyey ee xilka laga bedelay, in kasta oo aan la i eryin oo meel kale la i geeyey, Hadii uu madaxweynuhu ii sheegi lahaa Rooggii Hargeysa Stadium ayaan dhigi lahaa oo dhex yaalla isaga oo koontiinarkii ku jira fursadaas ayaan qaadan lahaaye habeen ayuunbay soo baxday oo la i yidhi oday xaggan tag…” In kasta oo uu wasiirku hadalkiisa ku sii daray in taasi ay tahay sunnaha dowladnimo. Haddana xaqiiqada hadalkiisa ku cad ayaa ah in xilkan loo magacaabay uu goor habeen badh ah uun soo baxay, oo lagu wargeliyey in uu wasaarad kale u wareego iyada oo aan waxba laga weydiin in uu diyaar u yahay in xilkaa cusub uu qabto iyo in uu halkaas kaga hadhayo golaha xukuumadda. Waana marag kale oo caddaynaya in madaxtooyadu ay weli soo saarayso wareegtooyin ay ku magacaabayso masuuliyiin aanay kala tashan xilka loo dhiibayo.
Wasiirkii ugu horreeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo xilka laga qaaday sannadkii 2013kii ayaa isna khudbaddiisii xil wareejinta ee Julaay 2013 waxa uu ku sheegay in xilka wasiirnimo ee loo magacaabay uu suuqa ka maqlay, “Maalintii lagu dhawaaqay ayuu nin Telefoon ii soo diray oo uu igu yidhi waa lagu magacaabay maan rumaysan, waayo, waxaan ka filayay in Madxaweynuhu yidhaahdo ilayn waaba la diidi karaaye hawshaasaan kuu magacaabayaaye diyaar ma u tahay” Dr. Xuseen Xoog waxa uu sheegay in uu warkaas rumaysan waayey illaa markii uu shaqadiisii dhamaystay uu dhegeystay warka Radio Hargeysa oo uu ka xaqiiqsaday.
Nidaamka dowladnimo waxa uu leeyahay haybad iyo karaamo ay tahay in uu dhowrto si dadkiisa iyo bulshada ka baxsaniba ugu qaddariyaan, xilka koowaadna waxa uu saaran yahay hoggaamiyaha qaran xitaa haddii aanu nidaamka dalkiisa ka jiraa markan u bislayn in lagula xisaabtamo, taariikhda ayaa ka daba tagta, isaguna waa uu sii dirtaa gacanyarayaal kala darajo iyo magac duwan oo mid kastaa uu ugu masuul yahay qayb ka mid ah hawlihii qaran ee loo igmaday hoggaamiyaha. Culayskaas ay arrintu leedahayna waa kan qasbaya in hoggaamiyuhu si uu u dhowro sharafta qaranka iyo maamuuska uu leeyahay mansabka dowladdu, una ilaaliyo sumcaddiisa shakhsiga ah in uu la tashado masuul kasta oo qaran inta aanu xilka u dhiibin.