Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Qalabka Dhismaha Jidka Ceerigaabo

0
479

5555Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xadhiga uga jaray reer Ceerigaabo qalabkii wadada loogu dhisi lahaa.

Waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dadweynaha reer Ceerigaabo u sheegay in wadadaas ay u dadaaleen una sii dedaali doonaan, isaga oo hadalo dhiiri galin ah u soo jeediyay dadka reer Ceerigaabo. Sida oo kale inbadan oo ka mid ah shacbiweynaha reer Ceerigaabo ayaa si diiran u soo dhaweeyay in maadxweynuu uu qalabkaas si dhakhso ah uu u keenay, isla markaasna wadadaas xoogga u saaray.

Waxaana madaxweynaha iyo waftiga la socdaa ay dadka reer Ceerigaabo ay kula hadleen beerta xoriyada ee magaaladdaas oo si weyn dadweynaha reer Ceerigaabo ay u soo buux dhaafiyeen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo la hadlaaya shacbiweynaha reer Ceerigaabo oo si weyn isugu soo baxay waxa uu yidhi“Waxa farxad wey ii ah inaan maanta xafladan ka soo qaybgalo oo aynu wadadii Ceerigaabo shaqadeedii ku bilaabmayo oo aynu ogayn halkii aynu ka soo bilawnay oo dalka sida ay isugu xidhayso dalka sida ay isugu keenayso iyo waxa dalka iyo dadka ay ku soo kordhinayso aynu wada ogsoonahay waxa isku keen keenayaa ah, waxaanu leenahay wadadaas aad ayaanu ugu da’daalnay sida aanu balan qaadnay, qalabkeedii waa la keenay, waxii kale ee loo baahdona waa la’la diyaar sidii ay wadadaasi u hirgali lahayd, wax kasta haynagu kacaan si dalkeena iyo dadkeenu ay isugu xidhmaan oo dadka midnimadiisa iyo isku xidhnaantiisa aynu ugu dedaali lahayn, soo dhawaynta dadweynaha iyo masuulyiintuba ay na soo dhaweeyeen aad ayaanu uga mahadcelinaynaa.”