Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Lagu Kordhiyay Wasaaradda Difaaca Iyo Wasiiro Madasha Buuxiyay

0
1012

 

DSC08058Hargaysa(Geeska)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay wasaarada gaashaan-dhiga ee Somaliland, kaas oo ka koobanaa laba dabaq. Madaxwayne Axmed Siilaanyo, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa amaan balaadhan  uga soo jeediyay ciidamda qaranka kuna hambalyeeyay dhismahan ku soo kordhay wasaaradooda, waxaanu ciidamda ku tilmaamay kuwo wadanka kaga jira kaalin muhiima.

Ugu horayn waxaa munaasibaadaas ka hadlay  wasiirka gaashaandhiga Md. Axmed X. Cali Adami oo sheegay inuu dhismahani ka turjumaayo wax qabadkii xisbiga Kulmiye uu wakhtigii olalaha doorashada balan’qaaday waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Iyadoo la qiimaynayo wax qabadkii uu balan qaaday xisbiga Kulmiye wakhtigii uu tartanka ku jiray ee ahaa inuu masuul walba oo xil qaadaa aanu waxba dib u iibin waxna cid ku wareejin, ee lagu dadaalo waxa dhisani inaguma filnee in wax lagu kordhiyo. balantii sidaa ahayd ayaa talaabadeedii la fuliyay, meelo kalna waa laga fuliyay, mustaqbalkana kuwo kale ayaa la fulin doonaa. Dhismihii hore ee ay wasaarada gaashandhigu ku jirtay waxa uu ahaa mid duugoobay oo soo dumaya waana illaahay madadii dhismahani labada dabaqa ee naloo hir galiyey”

Waxa halkaas ka hadlay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mahad’naq u soo jeediyay wasaarada gaashandhiga iyo ciidamda qaranka kuna nux-nuxsaday ahmiyada ay wasaaradani u leedahay wadanka hadaladiisiina waxaa kamid ahaa “Marka ugu horaysa waxa aan bogaadin iyo mahadnaq u soo jeedinaynaa wasaarada difaaca qaranka iyo wasiirkeeda, wasaraadan oo ah wasaarad aad iyo aad muhiim u ah iyaga iyo  ciidamda qaranka ee difaaca dalka inoo qaabilsan oo ahmiyadooda aan ognahay. Wasaaradani waa xubinta ugu wayn ee u taagan astaanta qaranka iyo difaacida dalka.  Wasiirka, shaqaalaha wasaarada iyo ciidamda qarankana waan hanbal-yaynaynaa waxaanan leenahay Alle guusha hayna wada gaadhsiiyo”

Madashaas xadhiga lagaga jaraayay dhismaha cusub ee labada dabaqa ee laqu soo kordhiyay wasaarada gaashaan dhiga ayaa ahayd mid kulmisay wasiiro iyo madax kale oo aad u tiro badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaarada maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka duulista iyo hawada Maxamed Xaashi Cabdi, wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta Dr. AxmedXaashi Oday, wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi aw Daahir Cali, wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cabdilaahi Jaamc Cismaan Geeljire, wasiirka shaqada iyo shaqaalaa Marwo Ilhaan Maxamed, Ganacsiga Cabdirsiaaq Khaliif Axmed, hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid iyo taliyeyaasha ciidamda kala duwan ee dalka iyo masuuliyiin kale oo tira badan. Lama garanayo sababta ay wasiiradu xafladan uga soo wada qayb galeen iyagoo sida muuqata soo baylihiyay shaqooyinkii ay qaranka u hayeen, inkastoo laga yaabo inay ku yimaadeen martiqaad ay wasaaradu u dirtay.

 

 Muddooyinkii hore marka uu Madaxweyne Siilaanyo goob tagayo laguma arki jirin wasiiro daba ordaya, waxaanu u muuqan jiray inuu ku koobay shaqadooda oo keliya, balse xilliyadan dambe waxa soo baxaya inay wasiiradu buux dhaafiyaan goob kasta oo uu Madaxweynuhu tago. Waxa kale oo shalay wasaaradda gaashaandhigga lagu arkay ahskhaas kale oo iyagoon qaranka xil u hayn haddana xataa salaanta la qaadanayay Madaxweynaha.