Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu shalay Xadhiga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu madaxweynuhu hore u dhagax dhigay iyadoo banaan cad ah.
Xadhig ka jarida dhismahan wasaaradda ayaa ah mid aad loo qurxiyey, Madaxweynahana lagu martiqaaday xaflada furitaanka oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin, Madaxdhaqameed, Waxgarad, waayeel, Hay'adaha xidhiidhka dhaw la leh Wasaaradda.
ka dib markii uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismaha, waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mida xafiisyada uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo qaybaha ciidamada hoos yimaada ama xidhiidhka tooska ah la leh wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Madaxweynaha oo Xafladaa ka hadlay ayaa yidhi Farxad weyn bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo xafladda furitaanka xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha. waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Martisharafta munaasibadan ka soo qaybgalay. Mudanayaal iyo Marwooyin Wxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxda wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Shaqaalaha oo uu ugu horreeyo wasiirku Mudane Cali Warancade.
Waxaan u mahadnaqayaa Hay'adda USAID ee dhismahan maalgelisay iyo hay'adda "T is" ee fulisay.
Ugu danbayn waxaan u Hambalyeynayaa ciidammada Booliska, ilaaladda xeebaha iyo kuwa laanta socdaalka ee sida hagar la'aanta shacbiga ugu adeega.
waxaan leeyahay dedaalka halkaa ka sii wada, ummaddiinana si wanaagsan ugu adeega. Xukuumadda waxa ka go'an in aanu dalka dhisno, amnigiisana ilaalino.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha, maayar ku xigeenka Hargeysa, badhasaabo iyo masuuliyiin kale.