“Maalmihii U Dambeeyay Waxa Xukumada Lagu Tuhmayay Inay Raadinayso Jid Ay Xamar U Marto”

0
4074

 

siiroHargeysa(Geeska)-"Dalkan callaamadiisu waa Tawxiidka Ilaahay, Ilaahay baana ilaashanaya, marka waxaa jirta maalmahii u danbeeyey in Xukuumadda lagu tuhmayey inay jidad ay Xamar u marto raadinaysay, horta anagu dadka walaalahayo ah ee Xamar ku tabaalaysan ee abaarahu soo barakaciyeen duco ayey nagu leeyahiin, Ilaahay waxaanu ka beayaynaa inuu Ilaahay dhibta ka dul qaado, ilaahay waa na arkayaaye ilaahay ha asturo." Sidaas waxa yidhi Sheekh Aadan Siiro oo salaadii ciidda khudbad ka jeediyay Masaajidka garoonka Xawaadle, waxaanu intaas raaciyay, “Maalin dhawayd waxaanu tagnay Cisbitaalka dadkeena dhimirka ka xanuunsanaya ee Hargeysa cisbitaalkaasi sidaad walaalayaal ogtahiin wuxuu kontan tallaabo wax ka yar u jiraa Xarunta Madaxtooyada, marka waxaanu u jaraynay dadkaasi timaha oo inaanu timaha ka goyno ayaanu ugu tagnay, Ilaahay baan ku dhaartaye daranyada ka muuqatay injir ayaa ka da’aysay waad ooyaysay daranyada haysata haddii aad aragtaan. Markaas  marka la leeyahay Xamar ayaa lacag loo uruurinaya ee Hargeysa-na dadkeedii bakhtiyayaan waa xaaran shareecadana kama mid ah, Hargeysa Sakadeeda lama gayn karo Burco, Burcona sakadeeda lama gayn karo Hargeysa, Berbea-na sakadeeda lama gayn karo Hargeysa, Booramana Sakadeeda lama gayn karo Burco ilaa dadka ku nooli ay ka maarmaan oo ay qani ka noqdaan, waa xukun sharci ah, marka Xukuumadda waxaan leeyahay waar tani diina maaha dadnimana maaha ee haddii aad Xamar doonaysaan inaad jidad u martaan qaar kale ayaa jira ee dalkani burburin maysaan Ilaahayba xafidinaya, boqolaal kun ayaa u dhintay, boqolaal kun ayaa u naafoobay kuwaasi oo gaajoonayana in xoolahoodii meel kale la geeyo waa xaaran, haddii aad jidad kale doonaysaan idinku taga oo dalka ha burburinina" ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Xiiray (Aadan Siiro).