(Geeska) -Alle ha u naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii doorka weyn ka soo qaatay dib u dhiska dalka, nabadaynta iyo kor u qaadka horumarka dhaqaale ee dalka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa guud ahaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ku timi marxuumka, waxaanu si gaara tacsidaas ugu dirtay ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku.
Tacsida madaxweynaha oo ka soo baxday xafiiska afhayeenka madaxtooyada ayaa lagu yidhi
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 20/03/2015, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada dalka ugu taariikhda weyn oo uu ilaa hada ka mid ahaa marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir ka baxay dalka taariikh ma guurta ahna ku lahaa halgamadii kala duwanaa iyo marxaladihii uu dalku soo maray oo uu door muhiima ku lahaa wakhtiyadaa.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.