Obama Waxa Uu Ku Xun Yahay Kasbashada Saaxiibtinimada Boqorrada Iyo Hoggaamiyeyaasha

0
627

Picture2Washington (Geeska)- Waxaa dabayaaqo ah muddo xileedkii madaxweyne Barak Obama, waxaana durba muuqda in uu sida dabiicigaba ah meelo badan guulo ka gaadhay muddadii uu ku fadhiyey kursiga ugu awoodda badan dunida, sidoo kalana aan indhaha laga qarsan karin guul-darrooyinka uu meelo badan ka soo hooyey muddadaas uu mindida Maraykanka daabkeeda hayey.

Warbixin ay diyaarisay shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah meelahaas uu Obama ku fashilmay ay tahay in uu boqorrada iyo hoggaamiyeyaasha dunida ka samaysan kari waayey saaxiibbo adag oo uu ku kalsoonaan karo, waxa uu kasban kari waayey saaxiibtinimada hoggaamiyeyaashii iyo madaxtii tirada badnayd ee muddadii uu xilka hayey uu ku qaabilay Guriga Cad ama uu ku booqday dalalkooda.

Ma’aha guuldarro qarsoon ee xitaa La-taliyeyaasha madaxweynaha ayaa warbixin uu dhowaan faafiyey wargeyska New York Times ku qirtay, “In dhammaan dadaalladii uu madaxweynaha Maraykanku u sameeyey si uu u abuuro xidhiidho diirran oo dhex mara inta badan ee boqorrada iyo madaxda dunidu ay fashilaad fool xun ku dhammaatay, waxa aanay u dhowdahay in uu Guriga Cad ka tago isaga oo aan muddadaas 8 sano ahayd samaysan saaxiibbo uu ku kalsoonaan karo”

Sababta:

Sababta dadaallada kasbashada saaxiibbada ee Obama fashilaadda ku keentay ayaa ay khubarada arrimahan u dhuun daloolaa sheegeen in dabeecaddiisa shakhsiga ahi ay qayb libaax kaga jirto. Waxaa la aaminsanyahay in Madaxweyne Obama uu yahay nin xidh-xidhan oo gooni socodnimo u dhashay. Barak Obama waxa uu ragga siyaasadda ula dhaqmaa habka ah in shaqada uun laga wada hadlo, oo ah in uu arrimo cad oo xaddidan uu kala sheekaysto. Hogaamiyaha uu la kulmayo markaba waxa uu si toos ah ugala hadlaa danaha dalkiisa iyo dalka hoggaamiyahani wadaagaan ama wadaagi karaan iyo arrimaha labada dhinac khuseeya oo keliya, isaga oo aad mooddo in uu aad uga fogaanayo  in uu ka hadlo wax shakhsi ah ama uu gudogalo sheekooyin shakhsiga ah iyo caadifadda ama in uu la soo qaado wax isaga ama hoggaamiyahan uu la kulmayo gaar u khuseeya ama xidhiidh labadooda si shakhsi ah gaar ugu noqon kara.

Madaxdii hore ee Maraykan waa ay ka duwanaayeen:

Sida warbixintan ay faafisay Al-Carabiya lagu sheegayo madaxweyne Obama waxa uu aad uga duwan yahay madaxweynayaashii hore ee Maraykanka badankooda, oo iyagu in badan oo waqtigooda ka mid ah u huri jiray xidhiidhada shakhsiga ah ee ay la yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dunida, taas oo ahayd xeelad dublamaasiyadeed oo la aaminsan yahay in xidhiidhkaas dhow iyo saaxiibtinimadaa shakhsiga ahi ay marar badan qaboojinaysay heerka khilaafka siyaasiga ah ee mar kastaba ka dhex dhici kara Maraykanka iyo dalkaas kale. George Bush oo ah madaxweynihii Obama ka horreeyey, isagu waxa uu dadaal xooggan ku bixiyey in uu hoggaamiyeyaasha dunida ka samaysto shabakad adag oo ah saaxiibbo kalsooni ay isku qabeen oo xidhiidhkoodu jiro xitaa intii ka dambaysay markii uu xilka ka degey sannadkii 2008da.

Madaxweynihii Bush ka sii horreeyey oo ahaa Bill Clinton ayaa sidoo kale isna xariif ku ahaa kasbashada quluubta hoggaamiyeyaasha uu la kulmo, isaga oo lahaa istaraatijiyad ah in uu abuuro xidhiidh saaxiibtinimo oo marka baahida siyaasiga ahi timaaddo uu adeegsado. In madaxweynayaasha Maraykan ay xidhiidh saaxiibtinimo la yeeshaan hoggaamiyeyaasha dalalka kale arrin cusub kuma’aha siyaasadda Maraykanka, tusaale ahaan madaxweynihii la odhan jiray Ronald Reagan waxa ay saaxiibtinimo kalsooni badani ka dhaxaysay raysalwasaarihii xilligisaas hoggaaminayey dalka Ingiriiska oo ahayd haweenaydii la odhan jiray Margaret Thatcher, saaxiibtinimadaas faa’idooyinka ka dhashayna waxaa ka mid ahaa in ay labada dal yeesheen iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed oo wejiga dunida casriga ah beddelay. 

Waxa aan iyadana la illaawi karin xidhiidhkii saaxiibtinimo ee u dhexeeyey raysalwasaarihii Ingiriiska ee Winston Churchill iyo madaxweynihii Maraykanka ee ay isku xilliga ahaayeen oo ahaa Franklin Roosevelt. Saaxiibtinimadaas labada hoggaamiye iyo xidhiidhkaa kalsoonida leh ee sida shakhsiga ah ugu dhexeeyey ayaana la’ aaminsan yahay in ay u fududaysay in labada dal ay ka takhalusaan khatartii Nazi-ga ee dagaalkii labaad ee dunida. Waxaana la aaminsanyahay in saaxiibtinimada labadan hoggaamiye aanay tisqaadi lahayn haddii aanay wada jir  waqti badan iyo dadaalba u gelin abuuritaankeeda iyo dhidibbo u aasiddeeda.

Weerarkii ay Japan ku qaadday dekedda Pearl Harbor ee dalka Maraykanka sannadkii 1941kii, kadib ayaa uu raysalwasaare Winston Churchill booqasho ku tegey Maraykanka muddo dhowr toddobaad ah ayaanu joogay Guriga Cad, ujeedadiisuna waxa ay ahayd in uu tiirarka u aaso saaxiibtinimada uu la leeyahay madaxweyne Roosevelt .

Laakiin Qaamuuska Madaxweyne Obama kuma jirto in maalmo shakhsi ah oo siyaasadda ka fog lala qaato hoggaamiye dal kale, ama xitaa in la muujiyo doonista saaxiibtinimadiisa ama in uu la yeesho xidhiidh kalgacal oo ka fog luuqadda shaqo ee rasmiga ah iyo danaha siyaasaddu ku dhisan tahay. La soco qayb kale oo xiiso badan…