Akaadamiga Horumarinta Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Daah Furkiisa Lagu Dhawaaqay

0
548

 

Picture1Hargaysa( Geeska )-Waxa magaalada Hargaysa si rasmi ah loogu daah furay  Akaadamiga Horumarinta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo magaciisa loo soo gaabiyay (AYD). Akadamigaas oo loogu talo galay inuu kor u qaado ciyaaraha iyo waliba taageerida dhalinyarada dalka.

Xaflada lagu daah furaayay Akaadamigan ayaa  lagu qabtay habeenkii xalay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa, waxaana ka soo geyb galay wasiirada wasaaradaha Ciyaaraha, Maaliyada, iyo Madaxtooyada, Xildhibaano, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada SONYO, Qurba joog, iyo xubno marti sharaf ah.

Xafladan oo si wanaagaan loo soo agaasimay waxa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha Akadamigan Md.Nimcaan Cabdi  Cali, oo ka warbaxiyay sababaha loo aasaasay Akadamigan, waxaanu xusay inuu sare u qaadi doono ciyaaraha kala duwan, isla markaasna uu taageero siin doono dhalinyarada, kuna deedaali doono inuu wax ka qabto dhibaatooyinka inta badan wakhtigan la dariska ah dhalinyarada reer Somaliland.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaasi ka sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qayb galo xaflada noocan ah waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xaflada noocan ah ka soo qayb galo, waana wax lagu farxo in caawa halkan lagu daah furo Akadami dhalinyarada hurumarkiisa wax weyn ka tari doona, waxaanan idiin balanqaadayaa inaan idin garab istaago oo aan wixii awoodayda ah aan idinkala shaqeeyo.”

Ugu danbayntii waxaa daahfurka Akadamigan soo gunaanaday Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal waxaanuu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo Akaadamigan, isagoo farta ku fiiqay inay ka wasaarad ahaan uu hawl baddan ka qaban doono Akadamigani, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waa ii sharaf inaan idinkala soo qayb galo Akadami runtii wax weyn ku soo kordhin kara dalka, dhalinyarada, iyo wasaaradaba, waxaan filayaa inuu yimid goor loo baahnaa, Wasaarada ciyaarahana wuxuu ka furan doonaa Hawlo baddan, waan soo dhawaynayaa dhalinyarta la timid fikirkan fiican ee ay dhalinyaradooda wax ugu qabanayaan, waxaanan leeyahay Insha Allah wada shaqayn fiican ayaynu yeelan doonaa”.