Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inay Xukuumadiisa Ka Go’antahay Sidii Shaqo Abuur Loogu Samayn Lahaa Dhallinyarada Wadanka

1
3917

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silanyo ayaa sheegay inay xukuumadiisa ka go’antahay sidii dhallinyarada loogu samayn lahaa shaqo abuur.

Madaxweyne Siilaanyo, oo toddobaadkan ka qayb galay kulan qaran oo lagaga tashanayay shaqo u samaynta dhallinyarada dalka, ayaa wuxuu bartiisa twitterka ku qoray qoraal kooban oo uu ku yidhi sidan, “Dawladda Somaliland waxa ka go’an inay hesho qorsheyayaal shaqooyin lagu abuurayo, gaar ahaan dhallinyarada. Talaabadii u horaysayna waxa la sameeyay xarun cusub oo shaqo abuur.” Ayaa lagu yidhi qoraalkan oo koobnaa.

Dhallinyarada Somaliland ayaa waxa haysata shaqo la’aan baahsan taas oo sababtay tahriibka oo labadii sannadood ee u dambeeyay xadhkaha goosatay. Dhallinyaro badan oo aqoonyahano jaamacadaha ka baxay ah ayaa dalka ka tahriibay ka dib markii ay shaqo ka waayeen dalkooda hooyo.

Xisbiga KULMIYE ayaa wakhtiyadii uu mucaaradka ahaa wuxuu ku ololayn jiray odhaah caan baxday oo dhigaysay ‘UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal.’ Odhaahdan oo lagu dul qoray sawiradii murashixiintii wakhtigaas ee KULMIYE oo imika ah Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka dalka, ayaa u muuqata mid lagu galay ololihii doorashada balse aan hirgelinteeda laga dhabayn. Waxaana la ogyahay in tahriibku laba jibaarmay mudadii ay xukuumada KULMIYE talada haysay.

Comments are closed.