Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inay Somaliland Tahay Saaxiibka Istaraatajiga Ah Ee Wadanka Turkiga

2
587

Picture5Istanbul(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay Somaliland tahay saaxiibka istaraatajiga ah ee Turkiga, waxaanu soo dhaweeyay balan qaadka Turkiga ee ah inay caawin doonaan Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, qoraal kooban oo lagu qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Turkigu taxanyahay ilaa qarnigii 16aad. “Somaliland iyo Turkigu waxay leeyihiin xidhiidh gaar ah oo xidhiidhsan ilaa qarnigii 16aad.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay, “Turkiga iyo Somaliland waxay diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkooda. Somaliland waa saaxiibka Istaraatajiga ah ee Turkiga.”

Ugu dambayn, wuxuu Madaxweynuhu yidhi, “Somaliland waxay soo dhawaynaysaa balanqaadka Turkiga.”

Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga wadankaas Turkiga, ka dib markii ay diyaarad gaar ah oo loo soo diray ka qaaday madaarka Hargeysa, waxaanu kulan la yeeshay Raysalwasaaraha Turkiga Rejab Tayib Ordegan.

Comments are closed.