AMISOM Oo Cadaysay Inay Bixiyeen Xogta Sirdoon Ee Sababtay In Ingiriisku Ka Dayriyo Amniga Somaliland

0
598

amisoHargeysa(Geeska)-Axadii toddobaadkan, waxa ay dawladda Ingiriisku ku dhawaaqday digniin la xidhiidha amniga Somaliland oo ay dadkeeda u jeedisay, iyada shacabkeeda uga digtay inay u safraan Somaliland, halka kuwa joogana ay ugu baaqday  inay ka baxaan.

Digniintaas dawladda Ingiriiska oo yaab ku noqotay dawladda iyo shacabka Somaliland, waxa uu Ingiriisku ku sheegay inuu helay xogo sheegaya khataro amni iyo weeraro ka dhan ah danaha reer galbeedka ee Somaliland, mana ay bixin wax faahfaahin oo la xidhiidha halka ay warka ka heleen iyo weliba xogo kale oo dheeraad ah.

In kasta oo ay dawladda Ingiriis tahay dawlad guun oo horumarsan, taasina u sahlayso in ay siyaabo kala xogta u heli karto, haddana dad badan ayaa is weydiinayey halka ay xogtaasi ka soo baxday, Hase yeeshe, waxa ay arrintaasi caddaatay, markii dan jiraha midowa Afrika u qaabilsan Soomaaliya uu dhowaan qirtay in xogtaasi ay ka baxday sirdoonka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaliya oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Danjire Maxamed Saalax Nadiif, ayaa sheegay in digniinta Ingiriisku la xidhiidho xog ay bixiyeen ciidamada AMISOM oo ku saabsan in firxadka Al-Shabaab soo galay dalka Somaliland iyo maamulka Puntland.

Danjire Saleh, oo Isniintii toddobaadkan warbaahinta war ka siinayey shir-doceed garab socday shir madaxeedkii 20aad ee midowga Afrika ee dhowaan ka dhacay Addis Ababa, waxa uu sheegay in xogta sirdoonka AMISOM ay sheegayso in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay u gudbeen Somaliland iyo Puntland, ka dib markii lagu jebiyay Koonfurta dalka Somaliya, waxaanu intaas ku daray in digniinta dawladda Ingiriisku dabada ku hayso xogtaas sirdoonka AMISOM. “Digniintu waxay ku saabsanayd xogta salka ku haysa guuritaanka Al-Shabaab ee deegaanadaas, iyagoo ka baxsanaya ciidamada AMISOM.” Sidaas ayuu yidhi Danjire Saleh, sida ay qortay wakaaladda caalamiga ah ee wararka ee Xinhua News Agency, waxaanu intaas raaciyay, “Xogta AMISOM waxa ay tilmaamaysaa in xubno badan oo dagaalyahanada Al-Shabaab ahi ay u gudbeen Somaliland iyo Puntland.”

Waxa kale oo uu diblomaasigani sheegay inay ciiddamadda AMISOM la wareegeen magaalooyin waaweyn oo ay Al-Shabaab hore uga talin jirtay, waxaanu sheegay in qaar ka mid ah Al-Shabaab ay dagaalo dhuumalaysi ah ka wadaan goobo ay ku dhuumanayaan, halka ay kuwo kalena bulshada ku dhex milmeen, inta soo hadhayna wuxuu sheegay inay u firxadeen waxa uu ugu yeedhay maamul goboleedyada.

In kasta oo ay u muuqato in xukuumadda Somaliland aanay si fiican u garan halka ay xogtaasi ka baxday, hadda waxaa caddaatay in warkaas laga helay sirdoonka midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho, arrintaas oo haddii ay sidaa u jirto ay tahay in xukuumadda fiiro dheer ku eegto ujeedooyinka qarsoon ee laga yaabo in ay ka dambayn karaan war noocan ah oo Muqdisho laga bixiyo iyada oo aan Somaliland lagu soo war gelin dhiillada jirta ee warkaasi ka digayo.