Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ku Soo Noqday Iyo Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Mid Noqday Madaxdii Soo Dhawaysay

0
655

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay socdaal laba cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Ethiopia.

Madaxweynaha waxaa lagu soo dhaweeyay  Madaarka Cigaal,halkaasi oo uu warbixin kooban oo saxaafadda uu siiyay ku sheegay in safarkiisu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad “Waxaan laba cisho ku maqnaa dalka Ethiopia, waxaanan is aragnay ra’isal wasaaraha Ethiopia, waxaanu ka wada hadalnay in la xoojiyo xidhiidhka labada dal iyo in la xoojiyo hawlaha inaga dhexeeya oo xagga nabad galyada iyo dhinac walba ku shuqul leh, markaa safar wanaagsan oo is afgarasho leh ayaa noo dhacay.waxaan rajaynayaa in marba marka ka dambeysa xidhiidhkeenu sii fiicnaado, dalalka jaarka waxaa ina dhexeeya wada shaqayn nabad galyada Iyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo wixii kale ee inaga dhexeeyaba. Markaa in ma walba xidhiidhka la joogteeyo way wanaagsan tahay,waxaana noo dhacay safar wanaagsan oo wax ku ool ah, inaanu halkaas ka sii wadnana waanu rajaynaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo waxa madaarka ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiyaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan, gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne kale oo tiro badan.