Nin Shalay Maydkiisa Laga Helay Dooxa Hargeysa

0
492

hargeysaHargeysa (Geeska)-Nin ayaa Shalay lagu dilay Dooxa Magaalada Hargeysa, Ninkan oo ALLE ha u naxariiste nanaystiisa lagu sheegay Timo, ayaa Ciidamada Boolisku waxa ay Maydkiisa Labadii duhurnimo ee Shalay ka haleen Dooxa Magaalada Hargeysa.  Ninkan la dilay ayaa oo sida la sheegay lagu dilay Toori, iyadoo isla Tooridii lagu dilay laga helay goobtii lagu dilay. Ciddii ninkan dishay iyo sababta loo dilayba waxa raadinaya ciidamada Booliska oo maydka marxuumka qaaday.

Muddooyinkan dambe waxa aad u yaraaday dilalkii hore uga dhici jiray magaalada Hargeysa.