Madaxweyne Siilaanyo Oo Nayrobi U Diray Wasiir Sacad

0
582

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya u diray wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka qorshaynta Cali Salaan Jirde.

1

Labada wasiir ayaa Nayroobi kulamo kula yeeshay dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ka niyad jabay talaabadii uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada oo sabab u noqotay inay hakiyaan lacagtii lagu qaban lahaa doorashada.

Laba wasiir ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay safaaradaha dalalka reer galbeedka, gaar ahaan safaaradda Ingiriiska.