Donald Trump Oo Ka Horeeya Hillary Clinton

0
627

Tartanka doorashada Maraykanka ayaa maraya heerkii ugu sareeyey xili ay toddobaad ka hartay codbixinta doorashada Guud ee wadankaasi.

1

Qaar kamid ah gobalada dalka Maraykanka ayey shacabka hore usii dhiibteen codkooda, waxaana la sheegay inay hada dad ku dhaw 28 milyan oo qof ay codkooda hore u dhiibteen.

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa muuqata in hada uu ku horeeyo cododka sida ay saadaalinayaan qaar kamid ah warbaahinta Maraykanka waxaanu ka horeeyaa 1%, balse ololaha Hillary Clinton ayaa dadaal ugu jira inay kasoo kabtaan dhaawacii kasoo gaadhay qoraalkii dhawaan kasoo baxay xafiiska Agaasimaha FBI-da James Comey oo sheegay inuu dib u bilaabayo baadhitaankii lagu waday Emailada Hillary Clinton xiligii ay ahayd xoghayaha Arrimaha Dibada, kadib markii ay heleen emailo horleh.

Baadhitaanka FBI-da ee la hadal hayo ayuu si weyn uga faa’iideystay Murashaxa Jamhuuriga Trump oo isagu bilihii lasoo dhaafay fadeexad ka heysatay codod hore looga duubay oo uu ku aflagaadeenayo haweenka. Ololaha Hillary Clinton ayaa hada bilaabay xayeysiimo ay kasii deynayaan Telefishinka iyagoo markale ku weeraraya Donald Trump aflagaadada uu u geysto haweenka, taasi oo ay ku raadinayaan inay taageero uga helaan haweenka Maraykanka oo codkoodu yahay muhiim.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo gacan siinaya Hillary Clinton ayaa Salaasadii ololaha doorashada u tagay gobalka Ohio oo ay si weyn ugu tartamayaan xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, Obama ayaa weerar adag ku qaaday taariikhda Donald Trump iyo inaan lagu aamini karin hogaanka dalka Maraykanka. Obama oo ah Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa ah nin weli ka taageero badan labada murashax ee hada tartanka ku jira, taasi oo ay dooneyso inay ka faa’iideysato Hillary Clinton.

Geesta kael Xisbiga Dimoqraadiga dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay go,aanka Hey’ada Mukhaabaraadka Gudaha Mareykanka ee FBI-da ay dib ugu baareyso email-ada Hillary Clinton mid siyaasadeysan.

Hogaamiyaha Kooxda laga tirada badanyahay ee Golaha Sanetka Mareykanka Harry Reid ayaa Axadii sheegay in agaasimaha Hey’ada FBI-da James Comey jagada uu hayo u adeegsanayo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka taasoo buu yidhi jabineysa sharciga.

Mr. Reid ayaa sidoo kale ku eedeeyey Comey inuu iska dhago tirayo codsi loo diray oo ahaa inuu soo saaro xogta uu hayo ee ku saabsan arrinta Hillary Clinton. Senator Reid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu rumeysanyahay in FBI-du ay heyso xog ku saabsan xidhiidhka ka dhaxeeya ololaha Donald Trump iyo Russia.

Agaasimaha FBI-da ayaa hadal uu soo saaray Jimcihii ku amray in la bilaabo baadhitaan cusub oo lagu sameynayo email-lo gaar ah oo ay Hilary Clinton ka dirtay e-mail-keeda gaarka ah inti ay heysay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka.