Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Kedis Ah Ku Tagaya Itoobiya Iyo Turkiga

0
636

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta gelinka dambe socdaal ugu ambobaxo dalalka Itoobiya iyo Turkiga.

1

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka madaxweynaha, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo magaalada Addis Ababa ee Itoobiya joogi doono habeen. Lama oga inuu la kulmi doono madaxda Itoobiya wakhtiga kooban ee uu dalkaas joogo iyo in kale.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u sii gudbi doonaa oo uu socdaal gaar ah ku tagi doonaa dalka Turkiga, iyadoo la sheegay in safarkiisu yahay mid u gaar ah, lamana sheegin arrinta gaarka ah ee uu madaxweynuhu dalkaas u tagayo. Madaxweynaha ayaa sida looga bartay aan la filayn inuu saxaafadda la hadlo.