Ceerigaabo: Dhallinyaro Ku Foodhiday Madaxweyne-xigeenka Oo Intii Uu Xilka Hayay Shalay U Tagay

0
853

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah dhallinyarada magaalada Ceerigaabo, ayaa foodhi iyo orin kala hortagay weftigii uu hoggaaminayay madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Saylici oo halkaas u tagay ka qayb galka bilowga diiwaangelinta.

1

Madaxweyne-xigeen Saylici oo sidoo kale ah murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE, ayaa lix sannadood iyo badh uu xilka hayay, wuxuu safarkiisani noqday markii u horaysay ee uu gaadho Ceerigaabo. Sidaas daraadeed dadweyne u badan dhallinyaro ayaa markii uu weftigu soo gaadhay gudaha magaalada waxay ku bilaabeen foodhi iyo orin, iyagoo ku baaqayay “Dooni mayno.”

Muuqaal Video ah oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dhallinyarada oo ku foodhyaysa baabuurtii weftiga madaxweyne-xigeenka, waxaana dadweynaha baabuurta ka reebaya ciidamo Boolis ah.

Geesta kale, taageerayaal kale ayaa iyaguna geestooda soo dhaweeyay weftiga madaxweyne-xigeenka kuwaas oo ku tiraabayay ereyo soo dhawayn ah.

Gobalka Sanaag, waxa si rasmi ah uga bilaabmaysa diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka sannadka dambe, waxaana ku sugan madaxda xisbiyada saddexda ah.