Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Djibouti U Socdaalaya

0
479

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta u ambo baxaan magaalada Djibouti ee wadanka Jamhuuriyadda Djibouti. War rasmi ah lagama hayo ujeedada safarka Madaxweynaha, waxase la ogyahay inuu toddobaadkii hore si kedis ah u baaqday safar uu Madaxweynuhu ku tagayay wadanka Djibouti. Warar soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu Djibouti kula kulmi doono Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna maanta imanaya wadanka Djibouti.

Waxa la filayaa inay labada madaxweyne ka wada hadlaan wada hadaladii Turkiga oo u muuqda inay dirqi ku socdaan islamarkaana ay dawladda Somaliya ka cago jiidayso, iyadoo habayaraate aanu qodobna ka hirgelin waxyaabihii lagu heshiiyay.