Dhaxalsugihii Uu Madaxweyne Siilaanyo Abu-Dhabi Kula Kulmay Oo Cadeeyay Inuu Ka Shaqaynayo Midnimadii Somaliya

0
524

Picture24Abu Dhabi (Geeska)- Wakaaladda wararka dalka Imaaraadka ee rasmiga ah ayaa Sabtidii toddobaadkii dhowaa baahisay faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha kulankii dhowaan dhex maray Dhaxal-sugaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaayid iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegey dalkaas. Wakaaladdu waxa ay sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen xidhiidhka walaalnimo ee u dhexeeya labadooda dal, sidii loo horumarin lahaa danaha ay wadaagaan labada dal iyo shacab, iyo qadiyadaha muhiimka ah ee ay isku si u danaynayaan labada dal.

Dhaxal-sugaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu rajeeyey in Soomaaliya ay ka aslaaxdo is-af garad iyo isku-duubnaan ay ka dhashaan xasilooni, nabad iyo midnimo, si loo xaqiijiyo horumarinta Soomaaliya iyo dadkeeda. Wakaaladda WAM waxa ay intaas ku dartay in Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadku uu madaxweynaha Soomaaliya u xaqiijiyey in dalkiisu uu taageerayo midnimada dalka Soomaaliya,

Kulankan oo ay wakaaladda wararka ee Imaaraadku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu isna dhinaciisa uga mahadnaqay dalka Imaaraadka caawimada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso xilliyada masiibooyinka iyo abaaraha iyo weliba mashaariicda horumarineed ee ay Imaaraadku ka wadaan, ayaa yimi maalmo yar uun kadib markii uu isla Sheekhan la kulmay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

In kasta oo uu madaxweynuhu xilligaa muujiyey in uu dalka Imaaraadku danaynayo xidhiidho dhinacyo badan oo uu la yeesho Somaliland, waxa ay dad badani hoosta ka xariiqeen sababta isku soo beegtay kulanka ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya la yeesheen Sheekh Maxamed Bin Zaayid, iyo weliba kulankii isla waqtiyadaa dalka Ingiriiska ku dhex maray madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheekh Khaliifa Bin Zaayid iyo raysalwasare Cameron ka dalka Ingiriiska oo la sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Dhinaca kalana dareenka ay waftiga Somaliland xilligaa ka bixiyeen kulannada ay ku soo qaateen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa ay burinayaan hadallada dhiirran ee uu Sheekh Maxamed Bin Zayid sida cad ugu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in dalka Imaaraadku taageerayo midnimada iyo is raac-sanaanta dhuleed ee dalkii Soomaaliya.