Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Isku Shaandhaynta Xoogga Ku Saari Doono Wasiirada Awdal

0
481

Hargeysa(Geeska)-Isku shaandhaynta mudooyinkan la hadal hayay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku samayn doono golihiisa wasiirada, ayaa hadda u muuqata inay marayso meel gabo-gabo ah.

Warar soo baxay oo aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in seefta madaxweyne Siilaanyo culayskeedu markan ku dhici doono wasiirada ka soo jeeda gobalka Awdal oo qaarkood xilka laga qaadi doono, halka xubno cusubna lagu soo bedeli doono.

Sida ay xogahani sheegayaan waxa la filayaa inuu golaha wasiirada ku soo biiri doono siyaasiga ka soo wareegay xisbiga Waddani Md. Axmed Muumin Seed oo dhawaan ku biiray xisbiga KULMIYE, waxaana markaas uu bedeli doono laba wasiir midkood kuwaas oo kala ah wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi-dheere) iyo wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Prof. Maxamed Mixile Boqore. Sidoo kale wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta  Md. Maxamuud Cabdillaahi Cige ayaa isna laga yaabaa in xil ka qaadistu saamayso, waxaana la sheegayaa inuu bedeli doono masuul khabiir ku ah arrimaha waxbarashada oo hadda Hargeysa ku sugan, lamana garan karo in wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta loo magacaabi doono iyo in la gayn doono wasaarad kale.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo doorkan xil ka qaadis iyo isku bedel ku samayn doonaa qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee xukuumadiisa, waxaana soo geli doono wejiyo cusub.

Sidoo kale badhasaabada gobalada qaarkood ayaa iyagana lagu samayn doonaa isku bedel iyo xil ka qaadis, waxaana laga yaabaa in xubin ka mid ah badhasaabada dalku ku biirto golaha wasiirada.

Xogahan oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo afhayeenka madaxtooyada ayaanay u suurtogelin.