Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Galay Qaliin Fudud Oo Caafimaad Oo Lagu Guulaystay

0
1061

Abu-dhabi(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa la sheegay inuu toddobaadkan qaliin fudud oo qabsin lagaga sameeyay ku galay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu Jimcihii tagay.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartay hawlgalka caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo uu galay, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Madaxweynuhu maalin ka dib markii uu dalkaas gaadhay lagu sameeyay qaliin fudud oo qabsin lagaga jaray, laguna fuliyay qalabka Laysarka. Xaaladda Madaxweynaha ayaa la sheegay inay wanaagsantahay, waxaanu ka soo baxay cisbitaalka saacado ka dib markii lagu sameeyay qaliinkaas oo ahaa mid fudud.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen-dayr oo uu Geeska Afrika xalay isku dayay inuu wax ka weydiiyo xaaladda Madaxweynaha, ayaanay suurtogelin ka dib markii uu ka jawaabi waayay telefoonkiisa gacanta. Laakiin baraha bulshadu ku xidhiidho ayaa lagu arkay xogo ku saabsan qaliinka madaxweynuhu galay iyo sida ay xaaladiisu hadda tahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dabayaaqadii bishii Julay ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu kula soo kulmay dhakhaatiir baadhis ku soo samaysay, kulana soo talisay inuu ka maqnaado dhawr toddobaad ka dibna ku soo laabto, sababtaas oo ah midda uu Madaxweynuhu hadda u tagay dalka Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada ayaa markii uu madaxweynuhu dalka ka dhoofayay waxay ujeedada socdaalkiisa ku sheegtay mid u gaar ah madaxweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu dhawaan dalka ku soo laabto, maadaama oo uu ku guulaystay hawlgalkaas caafimaad. Bahda Geeska Afrika waxay madaxweynaha Alle uga baryaysaa caafimaad taam ah.