Madaxweyne Siilaanyo oo ku guuldaraystay Inuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka hor istaago shirkii shalay

0
660

u_63686d_2012-4-14-13-44-51f_shirkaHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku guuldaraystay inuu guddoomiye xigeenka 1aad ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ka hor istaago shirkii golaha dhexe ee KULMIYE shalay u furmay.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika, u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu habeen hore sheegay inaanu shirka ka qayb galayn haddii uu ka qayb galo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo ah guddoomiye xigeenka xisbigaas, waxaana sida ay ilahaasi sheegeen la isku dayay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir lagu qanciyo inuu shirka ka baaqdo si aanu Madaxweynuhu u baaqan, laakiin Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa dadkaas ku gacan saydhay qorshaha ay ula yimaadeen. Laba masuul oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa subaxnimadii hore ee shalay Cabdiraxmaan Cabdiqadir la yeeshay kulan ay ujeedadiisu ahayd inuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir shirka ka baaqdo, laakiin isku daygaasina wuu fashilmay markii uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka gaws-adaygay.

Waxaana shalay uu dib u dhac ku yimid saacadii loo qorsheeyay inuu Madaxweyne Siilaanyo yimaado shirka golaha dhexe ee xisbigaas, waxaana si weyn madasha shirka looga dareemayay dhawr isku day oo  lagu doonayay in lagu qaboojiyo Madaxweynaha oo si weyn u cadhooday markii uu madasha ku dhex arkay Guddoomiye xigeen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Waxase halkaas ku fashilmay isku daygii uu Madaxweynuhu ku doonayay in lagu baajiyo inuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir shirka ka qayb galo.

Geesta kale, maanta oo si rasmi ah loo buuxinayo jagooyinka banaanaaday ee xisbiga KULMIYE, waxa la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo dabada ka riixayo qorshe la doonayo in xilka lagaga qaado Cabdiraxmaan Cabdiqaadir islamarkaana xilkaas loogu doorto mudane ka tirsan golaha wakiilada oo ay isku beel yihiin Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Laakiin Cabdiraxmaan Cavbdiqaadir ayaa ku doodaya in lagu doortay shirweyne, islamarkana lagu bedeli karo shirweyne kale, waxase la filayaa inay maanta xiisadda siyaasadeed ee shirku cirka isku shareerto.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa isku dhacday ka dib markii uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir soo bandhigay dhaliilo iyo ceebo uu sheegay in lagu arkay maamulka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Xildhibaan Jaamac Shabeel, ayaa wakhtigaas sheegay in shirka golaha dhexe xilka lagaga qaadi doono guddoomiye xigeenka 1aad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.