Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Warbixiyay Kulankii Sheekh Shariif Iyo Saxaafadda Oo Laba Su’aalood Loo Ogolaaday

0
3724

siilaanyo kkHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay ee ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, oo shalay ku soo laabtay dalka, ayaa ka waramay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Berbera, ayaa wuxuu saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka,  “Waxa aniga iyo weftiga heer qaran ah ee ila socotaaba aanu marka hore aad u salaamaynaa ummadda reer Somaliland. Farxad weyn ayay noo tahay inaanu dalkii dib ugu soo laabano. Waxaanu tagnay oo ka qeyb galay shir beesha caalamku ay iskugu yeedheen Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo daba socday shirarkii laga soo ambo-qaaday dalka UK oo lagu baaqay in labada dal wada hadal yeeshaan. Kulankanna kuwaasi ayuun buu daba socday.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanu Madaxweynaha Somalia isku afgaranay oo ka wada hadalnay in wada hadalada labada dhinac ay sii socdaan oo wixii maslaxad loo arko laga wada hadlo. Anagu (Weftiga) haddii aanu Somaliland nahay waxaanu mar walba ku adkaysanay, kuna adkaysanaynaa inaan waxba ka qabin wada hadalka walaalahayaga Soomaaliya wax wada qabsigeedda, Hase ahaatee gooni isu taaga Somaliland aanu ahayn marnaba wax gor-gortan geli kara oo madax-banaanideedu tahay lama taabtaan.”

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo halkaas ku sharaxay waxyaabaha ay labada madaxweyne isku afgarteen, ayaa yidhi “Kulankii ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya yeesheen waxa nuxurkiisu oo ay isku waafaqeen in la sii wado oo taageero buuxda la siiyo shirkii labada Gudi ee Somaliland iyo Soomaaliya ka kala socday ee lagu qabtay magaaladda London iyo qodobadii ka soo baxay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Wasiirka khaarajiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa labada madaxweyne ogolaadeen waxa uu ahaa in qaabka loo wada hadlayaa uu noqdo oo loo wada hadlo laba dhinac oo kala ah Somaliland oo dhinac ah iyo Dawlada TFG-da Soomaaliya oo dhinaca kale ah. Laba Madaxweyne waxay fasaxeen in labadda gudi ay gudo galaan arrimaha muhiimka u ah laba dal ee bartilmaameedka laga dhigay shirkii hore. Waxaanu markaa rajaynaynaa in wada hadaladani ay Somaliland horumar weyn u yeeshaan madax-banaanideeda iyo horumarkeedaba.waxaanu rajaynaynaa inaanu Soomaaliya la yeelano xidhiidh wanaagsan oo jaarnimo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadu.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweynuhu ka jawaabi doono oo keliya laba su’aalood, sidaas daraadeed su’aalihii ay saxaafaddu madaxweynaha ugu talo gashay waxay noqdeen kuwo suurtogeli waayay, marka laga reebo labadaas su’aalood ee la ogolaaday. Madaxweynaha oo la weydiiyay inay ku qanacsanyihiin kulanka uu Imaaraadku u qabtay labada dal, maadaama oo ay Imaaraadka Carabtu tahay dalalka sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu yidhi  “Dalkaasi anaga (Somaliland) iyo Soomaaliya ayay ina wada hadashiinayeen ee iyagu door kamay qaadanayn wada hadalka. cid kasta ha noqotee cidii iskugu kaaya yeedha. Wixii aanu u aragno madax-banaanida Somaliland waa mid aanu ku adag nahay oo aanaan cidna u dabo fadhiisanayn. Dunidda wixii ina dhex dhexaadinaya inaga iyo Soomaaliya ma iskugu keen yeedhaya cidna kuma gacan saydhayno.

Madaxweynaha oo la su’aalay waxyaabaha uu wada hadalka uu Sheekh Shariif la yeeshay ka tari karo aqoonsiga Somaliland, wuxuu yidhi “Wuxuu shirkani ka tarayaa inay Somaliland Sh. Shariif iyo cid kasta u caddayso mowqifkooda iyo gooni isu taagooda. Somaliland qaranimadooda way ku adag yihiin, in kasta oo aanay diidaynayn in wax la qabsiga Soomaaliya iyo danaha badan ee ka dhaxeeya ee ay ka mid yihiin mucaawimada iyo budhcad badeedda.”

Si kastaba ha ahaate, maaha markii u horaysay ee saxaafadda madaxabanaan laga diido inay su’aalo weydiiyaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo mar kasta oo uu safar ka soo noqdo ka weji dadba inay saxaafadu su’aalo ka weydiiso ujeedada safaradiisa oo ay siyaasiyiinta mucaaradku aad u cambaareeyaan. Tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka qabtay ma jiro shirjaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay si su’aalo looga weydiiyo hoggaamintiisa siyaasadeed iyo xaaladda dalka.