Guddiga Doorashooyinka Oo Cadeeyay Sababta Ay Ugu Dhawaaqi La’yihiin Mudaynta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Oo Ay Bulshadu Wada Sugayso

0
3582

komishHargaysa( Geeska )-Afhayeenka komishanka doorashooyinka Md.Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa ka hadlay sababta ay ugu dhawaaqi la’yihiin wakhtiga ay qabsoomayso doorashada goleyaasha deegaanka ee dalku.

Md. Geele, oo shalay u waramay telefishanka Qaranka, ayaa wuxuu sheegay inaanay geli lacagtii doorashadu ku soo dhicin xisaabtooda, taasina ay sabab u tahay ku dhawaaqis la’aanta wakhtiga doorashada deegaanka.

Waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi  “ Mudaynta doorashooyinka anaga qorshahii kale oo dhami waa uu noo dhan yahay, laakiin waxaan wali na soo gaadhin kharashkii aynu ku gali lahayn, xaggii dawladeenu intii ay bixinaysay iyo intii ay qaadhan bixiyayaashu bixinayeen, runtiina wax mushkilad ah oo naloogu sheegay in aan la helayn  ma jirto, laakiin maamul ahaan aan wali ku soo dhicin xisaabtayda, waxaanan go’aansanay taariikhdii hore ee ina soo martay ee kolba inta la muddeeyo haddana ay dib u dhici jirtay, markaanu intaas(  Dhaqaalaha )  gacanta ku dhigno ayaanu insha allaah ku dhawaaqaynaa taariikhda doorashada.”

Dhaqaalaha lagu qaban doono doorashada waxa 75% ka mid ah laga sugayaa qaadhaan bixiyayaasha taageera hanaanka dimuqraadiyadaynta Somaliland, h alka 25% kalena laga sugayo inay xukuumadda Somaliland bixiso.

Doorashada goleyaasha deegaanka oo aan weli wakhtigeedii la cayimin, ayaa haddana waxa durba cirka ku shareeran xamaasadeedii, waxaanay beelaha Somaliland u xusul duubanyihiin xulista murashixiinta uga qayb geli doonta doorashada.