Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Maanta Dalka Ku Soo Noqonaya Iyo Diyaar Garowga Soo Dhawayntiisa

0
577

inaHargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo dalka Ingiriiska ugu maqnaa dhaawac ka soo gaadhay shirweynihii u dambeeyay ee KULMIYE oo awood ciidan lagaga saaray, ayaa la filayaa inuu maanta dalka ku soo noqdo.

Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo dhaawacaas ka soo kabtay ka dib markii uu cisbitaal galay, ayaa la filayaa inuu ka soo dego magaalada Berbera, waxaana Hargeysa laga dareemayaa qaban qaabada loogu jiro soo dhawayntiisa, waxaana la filayaa inuu saxaafadda u waramo isagoo ka hadli doono xaaladiisa caafimaad iyo weliba aragtidiisa xaaladaha siyaasadeed ee dalka oo ah qodobka uu Madaxweyne Siilaanyo saaxadda xisbiga KULMIYE kaga saaray.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo kaalin laxaad leh ka soo ciyaaray guushii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hantay doorashadii madaxtooyada, ayay Madaxweynaha is qabteen ka dib markii uu soo bandhigay dhaliilo iyo fadeexado musuqmaasuq oo ku waajahan xukuumadiisa. Waxaanay soo bandhigidda dhaliilahaasi sabab u noqdeen in si jujuub ah lagaga qaado xilkii uu ka hayay xisbiga KULMIYE.