Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Xaflad Loo Sameeyay Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacada Timacade

0
512

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed MAxamed Siilaanyo ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebisay jaamcaadda Timacade ee Gabiley oo lagu qabtay xarunta Jaamacada ee Gabiley.

1

Ardayda qalin jebisay ayaa ahayd dufcadii afraad ee shahaadada koowaad ee degree ka qaadata jaamacadda Timacade. Waxa kale oo jaamacada ka qalin jebiyay arday kale oo dhamaystay shahaadada Diploma. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo hadal kooban oo uu jeediyay hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qalin jebisay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Timacade ayaa isna khudbad uu halkaas ka jeediyay wuxuu kaga waramay marxaladihii ay jaamacadu soo martay iyo heerka ay maanta marayso.

Waxa iyaguna hadalo madasha ka jeediyay murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wasiirka waxbarashada Cabdillaahi Habane, badhasaabka iyo maayarka Gabiley iyo masuuliyiin kale oo dhammaantood ardayda ku bogaadiyay aqoonta ay barteen.