Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Tijaabisay Warshadda Casriga Ah Ee Waddooyinka

0
547

Hargeysa (Geeska)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa  shalay hiirtii waaberi abaaro shantiii subaxnimo hawlo shaqo u tagtay xarunta weyn ee Karastalka dawladda hoose ee Hargeysa ee ay taallo warshadda casriga ah ee wadooyinka loogu tallogalay oo tijaabaddii u horeysay soo saartay, isla markaana wax weyn ka tari doonta wadooyinka caasimadda, taas oo laga hirgaliyey duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

1

Warshadan wadooyinka oo dhowaan dawlada hoose ee Hargeysa taariikhdda markii ugu horaysay soo iibsatay ayaa   la tijaabiyey waxaanay soo saartay wax soo saar ay ka mid yihiin Daamurkii oo ay isku walaaqday iyo Sayga qaybihiisa kala duwan, kaasi oo ahaa dhawr nooc qayb buddo ah, qayb yaryar iyo qayb qururux ah oo hal mar afar qaybood u kala shubaysay.

Sidoo kale, shaqaalaha warshadan laamiyadda ayaa shaqadda bilaaba shanta subaxnimo, waxaanay taasi keentay dadaalka badan ee wakhti gaaban lagu dhaqaajiyey warshadan oo reer Hargeysi baahi weyn u qabeen, waxaanu Maayarka Caasimaddu ugu bushaareeeyey dadweynaha reer Hargeysa inay dhowaan Hargaysi hilaaci doonto, isla markaana laga hirgalin doonno wadooyin tayo sare leh.

Shaqaalaha xaruntan warshadda wadooyinku taallaa noo sheegeen in habeen kasta sagaalka habeenimo maayarka Caasimaddda ka rawaxo si loo dadajiyo wax soo saarka iyo dhamaystirka qalabkan casriga ah,taasi oo ku tusaysa sida uu maayarku heegan ugu yahay  sidii caasimaddu u noqon lahayd mid la tartanta caalamka sida ay ka markhaati fureen masuuliyiintii madasha joogtay ee ay ka mid ka ahaayeen Xildhibaanadda iyo xoghayaha fulinta ee dawladda.

Xildhibaan Cabdicasiis  Aadan Habane (Cabdicasiis Sisto) oo isagu golaha deegaanak u qaabilsan xaruntan warshadda ayaa  sheega in tijaabaddii u horeysay ay soo saartay, isla markaan dhowaan la bilaabi doono wadooyinkii ay Hargeysi u baahnaayeen, isla markaana Hargeysi la tartami doonto wadamadda caalamka, isagoo arrintaasi ka warbixinaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ““waa qalab casri ah oo isku dhamaystiran oo ay ku jiraan warshaddii walaaqaysay Daamurka, iyo warshaddii Sayga qaybihiisa kala duwan samaynayey, waana qalab waligii dalka iman haddii ay tahay dawladihii hore ee Soomaaliya iyo Somalilandba intii ay jirtay qalab noocan oo kale ah waligii dalka ma iman, waxaana muddo gaaban ku samayn doonta wadooyin badan, wixii sanaddo badan laga sugayey dawladda hoose inay muddo gaaban ku qabato mar haddii ay haysato qalabkii iyo shaqaale u tobabaran,waxaana maanta tijaabinay wax soo saarkeedda, iyadoo bishan gudihiisa aanu  bilaabi doonno wadooyinka Caasimadda, imika waxaad arkaysa asfal balaankii oo saygii laga soo gurayo loona geenayo qaybtan oo isku dari doonta, ilaahayna wuu nala qabtay anaguna waanu dadaalnay, xaruntan shaqaalaha ka shaqeeyaa waxay shaqadda galaan shanta subaxnimo, meel ay wadanka shanta subaxnimo ilaa shanta galabnimo la shaqeeya ma jirto waana talaabo muhiim ah waana dadaalka aanu doonayno in muddo gaaban caasimaddu isku bedesho, saaka Maayarka iyo xoghayuhba waxay joogeen shantii subaxnimo oo shaqaalaha mar la wada yimaadeen,waxaana doonayna inay dhaqan inoo noqdaan shaqada wakhtigaasi la bilaabayaa”.

Agaasimaha arrimaha bulshadda iyo bilicda casimadda KHadar Yuusufu Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waa wax qabad la taaban karo oo la qabtay, aniga farxad weyn bay ii tahay markaan arkay warshadan dhan oo tijaabaddii u horeysay wax soo saar wanaagsan soo saartay, waxaana hawsha  xooga saaray maayarka maayaradda iyo guddda fulinta ee la shaqeeya, waxaana shacabka leeyahay waxaad shugtaan uun waa wadooyinkii Roogga ahaa oo bilaabma”

Maayarka Caasimadda ayaa sheegay in hadda ay joogaan shaqaale loo tobabaray oo ku filan, isla markaana shaqadda bilaaba shanta subaxnimo oo ay adag tahay in la shaqayn karo dhaxanta badan ee goobtan ka dhacaysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “maanta waa maalin taariikhi ah, maanta oo ay tahay August 31,2016 waxaanay tijaanbinay warshaddii Jayga iyo tii Daamurka walaaqaysay, warshadii oo dhana aynu tijaabinay, wayna arkayna wax soo saarkeeddii iyo sida ay Daamurkii u hagaajinayso ama iskugu walaaqayso iyo sida Saygii u habaynayo oo noocyo kala duwan uga samaynayso, waxaan u mahad naqayaa Injineeradda iyo shaqaalaha inta ay afarta habeenimo kacaan shanta subaxnimana shaqadda bilaabaya, waadiga arkaya waa lixdii subaxnimo dhaxan badan baa jirta hadana waadiga arkaya inay iyagu dhididku ka da’ayo, dadkii kalena dhaxan fadhi kari laayihiin, waxaana leeyahay dhamaan shaqaalaha iskugu jira Injineero, dirawalo, askar iyo farsamo yaqaanaba aad baan idinku mahad naqayaa sida wanaagsan ee wadankiina ugu shaqaynaysaan”.

Maayarka oo la dardaarmaya shacanka reer Hargeysa waxa uu yidhi “ Waxaan leeyahay dadweynaha wixiii aad inta badan sugayseen way dhamaadeen waxaana hadda laga bilaabo soo baxaya waa wax soo saarkeeddii mar haddii la tijaabiyey wax hadhsani ma jirto, waxaan leeyahay shacabyahow gacantaadii ayaa hadhay, anagu intii aanu dadaali lahayn waanu dadaalnay, laakiin wax soo saarku marka uu bilaabmo wuxuu u baahan yahay lacag badan, haddii ay daamur noqoto, haddii ay Shiidaal noqoto iyo waxyaalaha kale loo baahan yahayba waa la idinka sugayaa, haddii ay cashuur tahay iyo haddii ay qaadhaan tahayba, waa haddii aad jeceshahay inay caasimadaadu u horumarto,, waxaana halkan mahad weyn uga jeedinayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo marka tijaabadani dhamaatofuri doonto haddii alla yidhaahdo, dhiirigalin iyo in hawshan libin laabana lagula garab taagan, shacabkana waxaan leeyahay qaybtiinii ayaa hadhsan ee u diyaar garooba”.

Si kastaba ha ahaatee, warshadan cusub ee agabkii wadooyinku u dhamays tiran yihiin ayaa la filayaa inay wadooyinka caasimadda kor u qaado, isla markaana laga dhigo doono wadooyin wada ruug ah oo muddo gaaban caasimaddu isku bedesho wadda laami.

Waa markii ugu horeysay oo qalab noocan oo kale ah ay dawladdi soo iibsato, isla markana waxay noqonaysa mashruucii ugu balaadhnaa ee golaha deegaanka Caasimaddu ka hirgaliyaan wadanka.