Madaxweyne Siilaanyo Oo Go’aansaday In Dib Loo Dhigo Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Oo Ka Hadlay

0
3926

 

Picture7Hargeysa( Geeska )-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo shirweynihii xisbiga KULMIYE oo u mudaysnaa inuu qabsoomo bishan March ee sannadkan.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu Madaxweynuhu soo saaray, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu shalay hoggaanka sare ee KULMIYE gaadhsiiyay dhambaal la xidhiidha dib u dhigista shirkaas, taas oo uu ku socodsiiyay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Warku wuxuu sheegay in Madaxweynuhu guddoomiyaha KULMIYE ka codsaday inuu dib u dhigistaas u gudbiyo guddoomiyaha golaha dhexe. Waxa uu warku sheegay in Madaxweynuhu dib u dhigista shirkaas ku saleeyay duruufo adag oo uu sheegay inay dalka ka jiraan, waxaanu hogo tusaaleeyay inaan wakhtigan lagu mashquuli karin shirweyne xisbi.

Gudoomiyaha golaha dhex ee xisbiga Kulmiye Md. Jaamac Shabeel, oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay dhambaalka Madaxweynaha, ayaa yidhi “ Waxba ima ay soo gaadhin ee sidaas aad u maqasheen uun baan u maqlay, xukuumaduna qayb ayay ka tahay shirkaas markaas iyada oo hawl kale ku mashquulsan labadii hawlood isma galayaan.”

Jaamac Shabeel, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Golaha dhexe ayaa eegaya codsigan maxadweynaha, markaas isaga ayaa go’aan ka gaadhaya wakhtiga danbe ee la qaban karo shirkaas, markaas kolayba golaha ayaa go’aan ka gaadhaya goorta shirkaas la qabanaayo.” 

Ka sokow dib u dhigista shirka xisbiga, waxa kale oo isna halkaas ku saqiiraya loolanka u dhexeeya guddoomiyaha KULMIYE iyo Wasiirka maaliyadda, oo la aaminsanyahay inay tahay sababta keentay dib u dhigista shirweynaha, maadaama oo uu loolanku horaantiiba abuuray dareen xaasaasi ah oo saamayn ku yeeshay xataa xukuumadda.