Maxamed Cali Samatar: Halyey Mise Dadqal..?Ibaraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

19
821

 

caliMaamulkii askarta ee beri Soomaaliya ka talin jiray, iskuna kooli jiray ”Kacaanka Barakaysan”, waa warshaddii soosaartay wixii hoog iyo ayaandarro umadda soomaaliyeed ku dhacay. Waa warashaddii samaysay wixii dhimasho, burbur iyo xanuun la soo maray welina socda. Waa wixii uu aqoonyahanka soomaaliyeed ee la yidhaahdo Cabdulqaadir Shire Faarax ku tilmaamay masiibo hadoodilan oo nacabnimadeeda darteed aan soomaali lagu sheegi karin. Kooxdaa dooxatada ahayd in kasta oo beri hore laga adkaaday, haddana waa hubaal raadkii xumaa ee ay dhulka kaga tagtay in uu yahay waxa ugu weyn ee dawladnimo dambe u hagaagi wayday. Kacaankaa baasi waxa uu lumiyay kalsoonidii iyo aamminkii bulshada dhexdeeda.

Innaga oo taa wada og ayaan in badan aayaxumadeeda ka digay. Waxaa ugu dambaysa taladii aan siiyay labada nin ee awoodda Soomaaliya maanta u ka la sarreeya, madaxweyne Xasan iyo ra’iisalwasaare Saacid, dharaartii xilalkaa loo caleemasaaray. Taladaasi waxa ay ahayd in ay iska fogeeyaan godobihii uu maamulkii Oktoobar umadda soomaaliyeed ka galay, oo sabab u ah colaadda dhammaan wayday iyo kalsoonida la waayay. Taliskooda iyo nabadgelyada soomaalida oo dhan ayay u wanaagsanayd taladaa in ay qaataan. Laakiin ma ay yeelin. Waxaa u dambaysay codsiga aan garta ahayn ee ay Maraykanka kaga codsanayaan in Maxamed Cali Samatar eedda dadkiisu u haystaan laga rogo, oo weliba dhawrsanaan diblomaasiyadeed la siiyo. Haddaba mudane Saacid iyo madaxweynihiisa aan ugu soo celiyo maqaal aan arrintaa hore uga qoray. Maqaalkaas oo la faafiyayMaarso, 2010, ciwaankiisuna ahaa ”Halyey Mise Dadqal?”waa kan bal Ilaahay idinku hanuuniyo:

Maxamed Cali Samatar waxaa ku oogan dacwad ah dad gumaad uu geystay xilligii uu ahaa jananka ugu sarreeya askartii Oktoobar gaar ahaan sannadkii 1988. Waa dhagar lagu eedoobo ta ugu foolxun. Isaga qudhiisa ayaa warbaahinta caalamka ka qirtay in uu lahaa amarkii Hargeysa lagu dumiyey. Amarkii Hargeysa lagu dumiyeyna waxaa toos ugu taxan weerarradii cirka ee sida isdabajoogga ah loogu qaaday shacbigii dhulka ka qaxay ee xadka Itoobbiya ku sii jeeday. Malyuumaad qof oo aan anigu ka mid ahay ayaa Maxamed Cali Samatar u arka dembiile dagaal. Dhanka kalena waxaa ka socda dadaal isla ninkaas iyo isla falkiisaa lagaga dhigayo ”halyey”; haleynimada oo ah maamuus qof la saaro ka ugu weyn.

Labada dhinac ee sidaas u kala fog waxa kala taagani ma aha laba uun oo abuurta ku kala jaad ah, mana aha laba quruumood oo laba caalam ku kala abtirsada, waa se dad wadaaga bani aadamnimada dunidan. Intaas uun ma aha ee waa dad sheegta in ay wadaagaan magac, isirnimo, dhul, dhaqan, diin iyo af ay ummadaha kale iskaga xigaan. Kolkaas wax aad u weyn baa qaldan. Maxaa qaldan?

Waxaa maqan waxa ugu weyn ee dadnimadu wadaagto. Taas oo ah qiyamka iyo anshaxa guud ee xumaha iyo samaha lagu kala eego. Haddii ay taasi jiri lahayd tani ma timaaddeen. Tusaale ahaan haddii uu nin xoog weyni ilmo cayddi ah horteenna ku gawraco, dabadeed aynu ku muranno falkaasi xumaan iyo samaan ka uu yahay iyo ninkaasi sheyddaan iyo halyey ta uu ku sifoobayo ma nihin dad habboon garasho ahaan iyo anshax ahaan midnaba. Iyada oo ay hubaal tahay inta miyirka qabtaa in ay wadaagto garasho maskaxeed iyo xeer akhlaaqeed oo fal caynkaas ah oo isku si u tusaya, haddana waxaa jirta arrin addoon loo yahay oo wax walba loo huro taas oo hiddaha lagala soo guuray.

Weligeedba iyada oo ”mabda ahaan” qiyamka guud oo dhan la wadaago haddana taa ku dhaqankeedu waxay ahayd masalo kale. Waxaa loo qaybsanaa tolal aan weligood maamul dhexe wadaagin, isla markaa loollan colaadeed oo ba’ani ka dhex aloosan yahay. Tolkuna qiimaynta ninkooda, xumaantiisa iyo samaantiisa, waxay ku eegayeen sida uu tolka dhexdiisa ku yahay iyo dhanka kale sida uu shisheeyaha ku yahay. In uu tolka u roonaado oo samaha iyo nabadda isu hawlo oo fadqalallada gudaha ku hagoogto ninku wuxuu ku helayey magac iyo sarrayn. Haddii uu yahay nin tolka ku taagan oo xumo iyo fidno ka dhex huriya wuxuu ahaa dhagarqabe la neceb yahay. Dhanka kalena ninka warankiisu goor walba qolyaha kale ku mudan yahay ee tolalka kale dhiigga iyo dhaca badan ka keena ayaa lahaa halyeynimada ugu weyn.

Iyada oo sidaas la yahay ayaa beri beryaha ka mid ah waxaa la guddoonsaday in lagu midoobo hab-maamul aan wax fiican laga garanayn oo lagu bawsaday ”dawladnimo”. Heerkaa bulsheed ee la joogay kolka la eego dawladnimadu waxay ahayd mashruuc aad u weyn oo u baahan hawlgal laxaad leh si ay u noqoto wax shaqayn kara oo lagaga fursado xaaladdii iyada ka horraysay. Ayaandarradu se waxay ahayd mashruucaas dawladnimada loogu gudbi lahaa tolnimadana lagaga gudbi lahaa looma helin awood aqooneed iyo doonis ku filan. Dadaal ay qofaf aad u tiro yari la yimaaddeen waxaa qaaday maayadihii runta ahaa ee tolnimada iyo tolaysiga (qabyaaladda). In yar ka dib waxaa la arkay dawladnimadii oo noqotay ardaa geeljire. Ma jiro, inta aan og ahay, soomaali aqoon leh oo burburka soomaalida si daacad ah wax uga yidhi oo aan xaqiiqadaas hoosta ka xariiqini.

Kolkaa, dawladnimadii geeljirowday haddii ay tolal fursad helay qolyihii kale dad badan ka laayeen, xoolo ka dhaceen, dhulna ka dumiyeen, wax cusubi ma dhicin ee waa tii la arki jiray ee hiddaha. Dadkii falalkaas fuliyeyna haddii tolkood laga jeclaado oo halyeeyo loo arko iyaduna wax cusub ma aha ee waa sidii ay ahaan jirtay. Tusaale ahaan Maxamed Siyaad Barre intii uu awoodda dalka haystay wax walba oo uu qolo kale oo soomaaliyeed yeelay isaga iyo ciddiisu waxay ka dhiganayeen faan iyo libin. Sababta isaga, Maxamed Cali Samatar iyo kuwa la midka ah isku mar qudha sheyddaan iyo halyey loogu sheegayaa waa taa.

Dhaqanka sidaas ah maalin walba waa aynu aragnaa oo maqalnaa. Duniduna waa ay inagu baratay oo inagu aqbashay. Tusaale ahaan Maraykanku siyaasad ahaan caado uma leh in ay magangeliyaan dadka Maxamed Cali Samatar la midka ah ee ummadahooda godobta ka soo galay. Yurubta Galbeed qudheedu aad ayey dadka caynkaas ah uga digtoon tahay haddii aanu ahayn qof ay iyagu dano kale ku wataan. Haddaba sababta dhagarqabayaashii dadka soomaalida soo dilay, soo dumiyey ee soo dulleeyey oo dhami ay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika u taxtaxashayaan wax kale ma aha ee waa dadnimada soomaalida oo aad loo xaqirayo. Cid walba waxaa u caddaatay in aynaan ahayn dad ay noloshoodu wax qiimo ah ugu fadhido oo lagu garsoori karo ilbaxnimo iyo caddaalad.

In ay sidaas tahay caddaymo badan baa loo hayaa. Sannadihii sagaashannada dhexdoodii Iswiidhan waxaa si farsamoxumo ah ku yimid dagaal oogihii lagu magacaabi jiray Aadan Gabyow. Wuxuu ahaa nin dembiyo dagaal loo tirinayo. Soomaalidii halkan joogtay waxay u qaybsantay qolo ku bannaan baxday oo ku sheegtay dhagarqabe ay tahay in la qabto, iyo qolo isku duubtay oo halyeygoodii ku sheegtay oo xitaa nabadsugiddii dalka ku aammini wayday. Tobaneeyo sannadood ka dib waxaa Iswiidhan yimid dagaal ooge kale oo ah Cabdi Qaybdiid. Kaas oo ay isagana dad kale u arkayeen dhagarqabe dagaalladii qabiilooyinka dad ku gumaaday. Tabtii hore tab la’eg baa laba dhinac loo kala dillaacay. Kolkii ay Cabdi Qaybdiid bilaysku qabteenna taageerayaashiisu Iswiidhan oo dhan ayey gilgileen ilaa ay dawladdu ku khasbanaatay hadh cad isaga oo laafyoonaya in ay sii dayso. Umaddii reer iswiidhan labada jeerba waxaa ku dhacay yaab iyo qaadanwaa. Sidee baa qof lagu eedaynayo in uu soomaalidiisa dembiyo sidaas u waaweyn ka galay haddana ay u jiraan soomaali kale oo sidaas u jeceli? Maalintaas ayey Iswiidhan garsooridda soomaalida ka faraxalatay, lagamana yaabo in ay dib isugu hawsho.

Xaqiiqada soomaalida oo sidaas u taalla haddii aynu weydiin qalaad dusha kaga keenno oo nidhaahno: Dadka soomaalidu ma waxay doonayaan in ay ku noqdaan (ama weligood ku jiraan) dhaqankii tolnimada ee la doonayey in laga dawladoobo? Jawaabta soo baxaysaa waa ”haa” ama waa ”maya”. Haddii ay ta hore noqoto kolkaa cidina xaq uma leh in ay ka dacwooto ama ka eedsheegato fal-dembiyeed uu nin tol kale ka dhashay geystay. Ma na jiro, haba yaraatee, tol ku khasban in uu dembi u arko falxumo uu nin iyaga ahi qolo kale kula kacay, waayo xeerkii awowyadeen ayaa sidaas ahaa. Cidda wax la yeelayna nafteeda ha eersato

Haddii se jawaabta weydiintu noqoto ”maya”, oo loo hanqal taagayo hannaan bulsheed casri ah kuna dhisan ilbaxnimo iyo caddaalad, kolkaas waxaa la noqonayaa doqomo hadalkooda iyo falkoodu isburinayaan, wax aad u badan baana u baahanaya in dib loogu noqdo. Xitaa haddii aan maamul dhexe oo soomaalida mideeya la helayn ilbaxnimada iyo anshaxa guud ee dadnimada ayaa khasbaya in la lahaado xeerar iyo caddaalad lagu kala baxo sida bani aadanka kaleba ka wada dhaxaysa.

Iyada oo ay guud ahaan sidaas tahay, ta qisada Maxamed Cali Samatar u gaarka ahi waa dadka ninkaas dhagarta ka difaacaya oo u badan isla kuwa ugu qaylo iyo oohin dheer kolka ay noqoto in loo baahan yahay maalin uun soomaali dawladnimo iyo midnimo wadaagi karta. Dadkaasi labada jeerba ma saxnaan karaan ee mar ayey qaldan yihiin. Isla golayaasha ay askartii Kacaanka halyeyada kaga dhigayaan ee guulahooda ugu damaashaadayaan, isla golayaasha ay ku beeninayaan gumaadkii, dhacii, burburintii, xabsiyadii dulmiga, ciqaabtii wadareed iyo jidhdilkii labaatanka sano umadda soomaalida la mariyey, isla golayaashaas ayey ka akhriyayaan khudbado dhalanteed iyo been ah oo la yidhaahdo ”ummad soomaaliyeed”, ”qaran soomaaliyeed”, ”midnimo soomaaliyeed” iyo ”dawlad soomaaliyeed”. Waa isla wixii kolkii Kacaanku umadda gawraca ku hayey laga akhriyi jiray golayaashi gunnimada ee loo yaqaannay ”hanuuninta dadweynaha”.

Qodobka ugu suurtogalsan ee ay dadkaasi u cuskadaan difaaca dhagarqabayaashii Oktoobar waa in aan hebel iyo hebel keliya la eedayn ee dadkii dembiga lahaa oo dhan meel ay joogaanba la wada dacweeyo. Waxay leeyihiin, tusaale ahaan, Somaliland waxaa ka buuxa kuwii Maxamed Cali Samatar la shaqaynayey ee iyagana ha la keeno. Waa run oo waxaa jira dad Maxamed Cali Samatar dadgumaadka kala qaybgalay; dadgumaadkii sida rasmiga ah awoodda dawladnimada loogu fuliyey. Kumana koobna sannadkii 1988 ee muddo dheer oo horraysay oo dambaysay ayaa shacabka soomaalida laga galay godobo dunida meel ay ka dhaceen yar tahay. Hebel iyo hebel ayeynu nimankaas u wada naqaan. Mid waliba qaybtii uu dhagarta ku lahaa sida qorrax duhur ayey inoogu wada cad dahay.

Ha ahaatee anigu haddii aan qof dhagar iga galay dacweeyo macnaheedu ma aha in aan qof adiga kaa galay eedtiray. Sidaas oo kale haddii aan doonayo in aan qof wax iga qaba u sheegto, macnaheedu ma aha in aan ku khasban ahay qof walba oo cid kale wax ka qaba qashadiisa in aan u xilsaaran ahay. Adigu dembiilaha aad og tahay dacwee anigana ka godobtayda qaba in aan dacweeyo ii oggolow. Xeerka noloshu waa sidaas ee ma aha in la isyeelyeelo.Runtii se waxaa la doonayaa in masaladan ogaan loo dhabqiyo si habsamideeda loo lumiyo. Ujeeddaduna waa in ka dulman iyo kii dulmiyey la isku murgiyo. Xeeladdan qorshaheeda waxaa la bilaabay maamulkii askarta oo weli nool. Colaadda soomaalida ee ilaa maanta dami wayday qorshahaas ayaa qayb ka ah.

Comments are closed.