Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Dalka Ingiriiska

0
584

 

gaadhay 33Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay gaadhay dalka magaalada London ee dalkaas.

Madaxweynaha, oo ay garoonka uu ka digay ku soo dhaweeyeen dad tiro badan oo reer Somaliland ah oo ruxayay calanka Somaliland, wuxuu sheegay inuu kulamo la yeelan doono dawladda Ingiriiska oo uu sheegay inuu xidhiidh fiicani ka dhexeeyo Somaliland, balse uu tilmaamay inuu madmadow soo kala dhex galay. “Aad baan idiinku mahadnaqayaa, halkan waxaanu u nimdi inaanu la kulano dawladda ingiriiska oo uu xidhiidh badani inaga dhexeeyay, beri dhawaytana madmadow soo dhex galay, inshaalah safar wanaagsan ayuu noqon doonaa, farxad ayay noo tahay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay mahadcelin uu u diray shacabka Somaliland.

Madaxweynaha oo ay weftigiisa ka mid yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo qorshaynta, waxa la filayaa inuu la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska William Hague.