Siyaasiga Caanka Ah Ee Axmed Cali Goodir Oo Si Adag U Weeraray Madaxweyne-Xigeenka

1
546

 

siyaasigaHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Axmed Cali Goodir; oo ah oday ruug-cadaa ku ah arrimaha maamulka iyo dawladnimada; ayaa si ba’an u weeraray Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, oo uu muddooyinkan khilaaf ka dhexeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo la soo wada doortay.

Mr. A.A.Goodir; oo ay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isku beel ka soo jeedaan, wuxuu Madaxweyne-xigeen Saylici ugu baaqay inaanu dudin, isagoo ku hal qabsaday in dudmo dumar lagu ogaa. Oday Goodir oo ka tirsanaa guddigii doorashooyinka ee ugu horeeyay, waxa kale oo uu cambaareeyay dadka kale ee muwaadiniinta ah ee dhaliila siyaasadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo; oo uu sheegay inay hab qabiil ku weerarayaan. Goodir; oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Waaheen, wuxuu ugu horayn hadalkiisa  ku bilaabay“ Hadalkii reer Somaliland waa uu batay, sheekhii; shariifkii; dumarkii caruurtii;  siyaasigii iyo maamul yaqaankii dhamaan waxaynu doonaynaa inaan siyaasada ka hadalno oo aynu falanqayno, maamulkii iyo siyaasadii in la faro galiyo oo laga hadlo, waa ay wanaagsan tahay waana ay dhacdaa in la yidhaahdo dalku wada tashi ayuu u baahan yahay,  waa dhab oo dalku wada tashi ayuu u baahan yahay in la wada tashadaana waa lagama maarmaan, laakiin waa markee iyo mar xaladee, dalka dawlad ayaa ka dhisan oo hoggaamin ayay leedahay golayaal sharci dajineed ayay leedahay, garsoor ayay leedahay, maaha in wax walaba la ogaado, waxa dawlada wax walba laga ogaan karaa marka ay iyadu soo bandhigto  ama la waydiisto oo ay rabitaanka dalka ka jawaabayso.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Laakiin in sheekh iyo shariif rag iyo dumarba waxii jiraba laga hadlo oo buuq la kaciyo ma fiicna hab maamulkana maaha, waxa jirta kala danbayn iyo kala sarayn  iyo kala amar qaadasho, tusaale ahaan hadaan u soo qaato siyaasada guud ee dalka marka la dajinaayo tii gooni isku taaga oo kale tan imika ee la leeyahay London ayaa la tagayaa kuwaas in laga wada tashadaa waa lagama maarmaan,waxaana la’la tashanayaa dadka dadku soo doortay ileen dadkii la wada gaadhi maayoo oo loo soo bandhigi maayo arimihii sirta ahe.”

Oday Goodir; wuxuu tusaale u soo qaatay weedho ku jiray hadal uu Sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan-Siiro ku soo daray khudbadiisii salaadda Jimce oo uu ku dhaliilay heerka ay marayso hoggaamintii iyo midnimadii dalku, waxaanu yidhi  “Halkan waxaan ku arkaayay Sheekheenii ugu waynaa Sheekh Siiro oo leh hala wada tashado, waa ay wanaagsan tahay hala wada tashado shiyuukhduna diinta haku eekaadaan taladana waa inay ka baxiyaan siyaasada, aniga oo xitiraamaya hadana in siyaasada xukuumada si xun loo muquurto oo loo faro  galiyo iyo in af-lagaado lagu ladhana maaha.”

Isagoo Goodir, ka hadlaya khilaafka Madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka, si gaar ahna ula hadlaya Mudane Saylici, wuxuu yidhi  “ Tusaale ahaan waxa ladhka soo kiciyay waa madaxweyne ku xigeenka, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa dastuurka ayaa labadoodaba sheegaya mid walba waajibkiis,awoodiisa iyo xilkiisa, madaxweyne ku xigeenku xaq ayuu u leeyay inuu waxa uu tabanaayo uu madaxweynaha ula tago, laakiin maaha inuu dudo, dudmana dumarbaa lagu ogaa, madaxweynaha looga roon oo looga wanaagsan inuu buuq kaciyo oo uu dalkii khalkhal galiyo, mana ku raacsani anigu shaqsi ahaan. Anigu madaxbaan soo ahaan jiray waana layga sarayn jiray waxaan tabanayona ninka iga sareeya ayaan ula tagi jiray oo aan odhan jiray waxaas ka daa, waxii uu xaq u leeyahayna waan ku raacayaa, waxaanu xaq u lahayna ku raacimaayo.Baryahan kan waxa jiray buuq iyo tafa-raaruq  qabyaalad ku dhisan madaxweynaha waa la af-lagaadaynayaa, wasiiradii ayaa la af-lagaadaynayaa shaqsiyaadbaa la af-lagaadaynayaa anigu waxaan qabaa baroortu orgiga ka weyn  ee wax kale ayaa loo jeedaa.”

Axmed Cali Goodir; oo la su’aalay talada uu Madaxweynaha u soo jeedinayo wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan ku arkaayo oo aan u soo jeedin karaa ma jirto, waxaan qabaa inuu tubtii toosnayd ee hogaamineed ku taagan yahay ninka ay waylo bood bood la tahayna haw tago xafiiskiisu waa uu furan yahaye oo ha yidhaahdo adeer waxaas iyo waxaas ayaa qaldane halkaas ka toosi, laakiin anigu waxan arkaa in uu madaxweynahu hawshiisa iyo hogamintii dalka uu sidii saxa ahayd u wato, oo aan loo ogalayn inuu wakhtigiisa si wanaagsan oo turxaan la’aan ah u dhamaysto taasna dad qabyaalad ka urinaaya ay sabab u yahiin.”

Comments are closed.