Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka Oo Ka Hadashay Xaaladda Xuquuqda Bini-aadam Ee Dalka

0
583

 

 

maro2Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha Komiishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland, Marwo, Fatxiya X. Xuseen Jaahuur, ayaa xaqiijisay in sannadkii dhamaaday caruur gaadhaysa 105 tacadi kufsi loogu geystay, culimmada dalka iyo waalidiintana ugu baaqday in loo istaago joojinta aafadaa.

Fatxiya X. Xuseen Jaahuur, ayaa sheegtay in Koomiishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland yahay hay’ad madaxbanaan, xorna u ah gudashada waajibaadkeeda, iyadoo loo marayo xeerkooda No 39.  Ee golayaashu ansixiyeen iyo, dhinaca, ku-tacadiyada xuquuqal-insaanka dhaca , marka laga hadlayo, ayey sheegtay , marka loo eego mandaqada aynu ku noolnahay, in Somaliland lagu tiriyo wadamada ugu hooseeya ee  xad-gudubyadda xuquuqal-insaanku ka dhacaan

Gudoomiye, Fatxiya, oo xafiiskeeda shalay kula hadashay saxaafada ayaa sheegtay inay ka hadlayaan saddex arrimood oo maalmahan saxaafada gudahu wax ka qorayeen, uguna horeyso,  “Fal kufsi loo geystay saddex hablood oo tahriibayaal ahaa kana dhacay xadka Somaliland iyo Jabuuti. Kufsigaa oo dhacay toban maalmood ka hor, Koomiishanka Xuquuqal-insaanka Qaranku wuu cambaaraynaa guud ahaan tacadiyada dhaca, gaar ahaana kufsigaa dhowaan dhacay, oo waxii geystay ilaahay ka abaalmarin doono, annaguna ku dabajirno sidaan ku ogaan lahayn dadka ka dambeeyey waxa adhacay. Waxuu ka dhacay meel 25 talaabo u jirta siliga xadka jabuuti iyo Somaliland oo Qalan-qalay la yidhaahdo, ilaa immika nin ayaa loo hayaa falkaa, waxii dambena waan soo sheegi doonaa.”

Waxa kale oo ay ka hadashay haweenay xabsiga Hargeysa ugu xidhan farriin ay telefoonka gacanta ugu dirtay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xasan, oo la sheegay inay ahayd farrin aflagaado ah, waxaanay tidhi “Qodobka labaad ee hadalkeedu yahay gabadha la yidhaahdo Nadra Maxamed Jaamac, oo Somalilander-ah, kuna xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa, oo 27 january, Wargeyska Geeska Afrika arrinkeeda qoray. Gabadhaa Nasra waan daba-galay arrinkeeda, xaqiiqadu siday tahay ka hordhaci maayo hay’adaha  garsoorka iyo maxkamada, bahda cadaaladda ayaa gacanta ku haysa, arrinkaasina, waxaan odhan karaa si toos ah ayuu u socdaa, oo maxkamada furan oo la dhegeysanayo, annaguna (Komiishanka Xuquuqal-insaanku) ka qeybgalay. Markaan kula kulanay Nadra, saldhiga ay ku xidhan tahay, waxay noo sheegtay in kiiskaa iyadu qabto, fariimahana iyadu dirtay, sugaysana waxa ka soo baxa. Waxay kaloo noo caddeysay inaan wax jidh-dil ah oo lagu sameeyeyna aanu jirin, mar aan weydiinay xaaladeeda iyo in jidh-dil loo geystay. Anniga laftayda, Nasra, markaan sheego ma filayn inaan kiiska noocan u xidhmayo. Waxaan eegaynaa kiiska maxkamadu siduu u dhaco Aannagu immika waxaan odhan karna Nasra, waa eedaysane, ee ma odhan karno waa dembiile. Waxa noo yaala Nasra ma heshay cadaalad, ma loo ogolaaday garyaqaanadeedii.”

Fatxiya X. Xuseen, ayaa sidoo kale ka hadashay “Nin maxbuus  ah oo Maxamed Aw-Cabdi cabdillahi, oo la yidhi xabsiga Mandheera ayuu ku xidhan yahay, isagoo xanuunsanaya, dawooyinkiina loo diiday. Maxamed waxaan ku booqanay xabsiga Hargeysa, waxuu noo sheegay in shan bilood hortood laga keenay Mandheera, markuu xanuunsaday, xilligan daawooyinkii qaato, kana mahad sheegtay ciidamanka Xabsiyadda. Cabashadiisuna tahay isagoo muddo saddex sannadood aan maxkamad weli la geyn. Annaga waxa nooga furan inaan la xidhiidhno cidii arrinkiisa gacanta ku haysay, isaga iyo dadka la mid ah, waanan bilownay hawshaa.”

Gudoomiyaha Koomiishanka Qaranka,  Fatxiya Jaahuur, ayaa sheegtay, “Sababta ugu muhiimsan ee shirkeeda jaraa’id shalay uu yahay nin sheegtay guddida u-doodayaasha xuquuqal insaanka, waxaan u sheegayaa dhamaan warbaahinta guddaha iyo dibedda iyo ummada reer Somalilana in aanu sal iyo raad lahayn wararka uu saxaafada ku qoray Saleebaan Xaquuq. Waxuu ugu diray dibeddaha 290 fariimood, shaqsiyaad, hay’ado iyo safaarado, intaba ugu sheegayo in tacadiyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka loo geystay Nadra iyo Maxamed, Wasiirka Madaxtooyadu u geystay tacadiyo Nasra. Waxaan leeyahay Saleebaan, adigoo metelaya magaca xuquuqal-insaan, qof kale xuquuqdiisa ha ku tacadiyin. Warkaagana waxa igaga filan adigoo beeninaya, hore warkaad u sheegtay, oo leh Nasra dembi ayey gashay. arrinkaagana hay’adaha ay khusayso ayaan u gudbin doonaa.”

Ugu dambayn, waxay Fatxiya X. Xuseen, walaac weyn ka muujisay kufsi loo geysto hablaha iyo wiilasha yar yar, sheegtayna, in sannadkii dhamaaday tacadiyada kufsi ee Hargeysa ka dhacay oo gaadhayey 174, boqol iyo shan  ka mid ah waxa lagu sameeyey caruur  da’doodu u dhexeyso sannad ilaa afar iyo toban jir. Waxay baaq u jeedisay cullimada Somaliland inay ka hadlaan dhibaatada caruurteena ku dhacaya, ee hablaheena ku dhacay. Waxay caddeysay in kufsigii dalkeena ku soo batay. Cuqaasha dalkana ugu baaqday in dembiyada kufsiga sharciga la mariyo, oo laga daayo dibedd lagu dhameeyo, waa criminal. Waalidka iyo hooyooyinkana si dhow ula socdaan xaalada caruurtooda, iyo dadka aqalka ku nool.