Madaxweyne Siilaanyo Oo Farriin Digniin Ah U Diray Dadka Ay Siyaasada Ku Kala Baydhaan

0
553

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay ka qayb galay  munaasibadda xuska sanad guurada 22-aad  ee ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ciidamada booliska, kaalinta ay kaga jiraan ammaanka dalka.

Hadal kooban oo uu Madaxweyne Siilaanyo munaasibadaas ka jeediyay wuxuu ku sheegay in lagu kala duwanaan karo aragtida siyaasiga ah, waxase uu sheegay inaanay taasi amniga dalka waxba yeeli karin.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa bogaadiyay dadaalka ciidanka booliska “Waxaan leeyahay aad iyo aad baan ciidanka booliska masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba ugu bogaadinayaa sida fiican ee qarannimada leh ee ay xilkaas iyo hawsha loo igmaday u ilaaliyaan. Waxaan leeyahay hambalyo aad iyo aad u baaladhan ayaan idiin soo jeedinayaa. Siyaasadda waa la isku qabsanayaa oo laga iskaga hor imanayaa laakiin, cidna ka yeeli mayno intaynu ciidankeena booliska iyo ciidamada kale ammaanka suga haysanno in ciddana waxyeesho oo umaddaa iyo dalkaa nabad galyada haysta ku ciyaarto,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, dal wada jir ah ayaynu nahay, siyaasadda waa la iskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay, qaab kala duwan ayaa wax loo arkaa laakiin, farsamo, aqoon iyo cilmi iyo nidaam  baa lagu kala baxaa. Wixii nidaamkaas ka baxsan ee nabad galyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto. Booliskani wuxuu u samaysan yahay inuu nabad galyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee,” ayuu yidhi madaxweynuhu.