“Aniga Iyo Faysal Ciddi Namay Dhex-Galin Ee Annagaa Telefanka Toos Uga Wada Hadalnay”

0
603

3Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyay  Murashaa madaxweyne ee xisbiga UCID  Jamaal Cali Xuseen, oo in muddo ah safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Waxa kale oo murashaxa soo dhaweyntiisa ka qeyb-qaatay hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, ganacsato, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Suldaan Mawliid Sabayse iyo dad kale oo badan. Jamaal oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi  “Waa Illaahay mahadii mar haddii aan anniga oo nabad qaba kusoo noqday dalkaygii Hooyo.Marka hore Illaahay baan u mahad naqayaa,marka xigtana waxaan u mahad-naqayaa dhamaan dadkiinan milgaha iyo sharafta leh ee halkan igu soo dhaweyay,iina soo qadariyay oo ay ugu horeeyaan Salaadiinta dhaqan-ka kuwooddii ugu waaweynaa, 10 Cisho ayaan maqnaa,Dalalka Imaaraka iyo Jarmalka ayaan tegay.Dalka Imaaraadka Arrin ii shaqsi ah ayaan u tagay,Dalka Jarmalkana waxaan u tagay Kulan Balaadhan oo Xisbiga UCID ay lahaayeen oo waddamo kale oo Yurub ka mid ahna layskaga yimid, si Khayr qabta ayey nooggu soo dhammaatay,waxaanan aad ugu mahad-naqayaa dhammaan Jaaliyaddah,Taageerayaasha iyo madaxda xisbiga Ucid ee dalka Jarmalka ee aanu uga wada hadalnay arrimaha dalka iyo kuwa xisbi-gaba:.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Jamaal Cali Xuseen, isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka muddooyinkii dambe ka taagnaa xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, waxaana uu yidhi: “Tobankii Cisho ee aan maqnaa waxay ahaayeen,toban cisho oo aad u xanaf iyo wareer badan,waxaana ugu weynaa uun Khilaafka Xisbul-xaakimka Kulmiye, xisbi xaakim-na haddii uu durri Ku dhaco, durrigaasi dalka Intiisa kalena wuu saamaynayaa oo waxaad ka dareemaysaa hadal-haynta faraha badan ee la hadal hayo, balse waxaan leeyahay waxaas oo dhan waxa ka weyn danta Somaliland iyo qaranimadda Somaliland in aynu isku duubnaano ayaa muhiim ah, in aanay siyaasaddu dadka kala qeybin ayaa muhiim ah.”.

Murashax Jamaal Cali Xuseen, waxaa uu sida oo kale ka hadlay khilaaf dhawaan soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaana uu sheegay hada ay heshiiyeen guddoomiyaha xisbigaasi. “Horta meel layskugu yimid oo Xisbi ah,waligeedba Khilaaf iyo is-afgaran waa wuu ka dhacayaa, annaga waa markii ugu horaysay,waanaanu ka roonnahay kuwa kale ee xisbiyadda ah,waayo ku waas waxa laysku haystaa kuraasi, laakiin Ucid waxa laysku qabtaa Afkaar, haddana 24 Sacaaddood gudaheed anniga iyo Faysal ciddi namay dhex-galin ee annagaa teleefanka toos uga wada hadalnay”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.