Xukuumadu Maxay ka tidhi xadhiga Buurmadoow?

1
704

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo muddo ku xidhan dalka Imaaraadka Carabta.buurmadow1

Hay’adaha ammaanka ee dawaladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo ka hor xidhay Buurmadoow oo ka soo noqday gudashadii waajibaadka Xajka waxaanay ka qabteen mid ka mid ah madaarada dalkooda, si rasmi ahna looma sheegin sababta loo xidhay. Haddaba Wargeyska Geeska Afrika oo xalay waraysi la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xadhiga boqorka wax lagaga weydiiyay,  ayaa wuxuu sheegay inaanay xukuumad ahaan haynin sababta xadhigiisa keentay, “Xukuumad ahaan ma hayno sababta xadhigiisa, waxaan ka maqalay saxaafada, laakiin arrinta (Buur-madow), xukuumad ahaan nagama codsan inaan gacan ka siino xadhigiisa Imaaraadka carabta.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay ‘Xukuumada xidhayna wax ogeysiin ah nagalama soo yeelan xadhigiisa, markaa waxaan u arkaa arrin labadaa qolo ku kooban. Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu u fududeeyo siideyntiisa, haddii aanu wax denbi ah lahayna xoriyadiisu u soo noqoto, haddii fal denbiyeed lagu haystana way cadaan doontaa. Waxaan rajeynayaa inay dhamaan doonto.”

Comments are closed.