Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafiyay 26 Nin Oo Ay Maxkamada Ciidamadu Xukuntay

0
688

 

Picture6Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis ku siidaayey 26 qof oo ku eedaysnaa weerarkii sanadkii hore lagu qaaday xerada ciidamada qaranka ee bariga Magaalada Hargeysa, weerarkaasi oo ku dhinteen saddex askarta Milatariga ahaa.

26-kan qof oo laba jeer Maxkamada ciidamada Somaliland ku ridday xukuno dhaadheer oo ilaa xabsi daa’in ahaa, ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) doraad cafis Madaxwayne ku sii daayay, waxaana markii warqada cafiskaasi soo baxday dadkaasi loo soo celiyey xoriyaddoodii.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu cafis ku siidaayay 26-kaa qof, ka dib markii labada beelood ee ay ka soo kala jeedaan saddexda marxuum ee weerarkaasi ku dhintay iyo kooxda la sii daayay uu dhex maray heshiis iyo isfaham  buuxa, kaasi oo aakhirkii keenay in beesha saddexda maxruum ka soo jeedaan ay qaataan magtii.

Warka ayaa intaa ku daraya in arintan oo ay ka wada shaqeeyeen Madax-dhaqameedka labada beelood ay aakhirkii keentay in laga gudbo mushaakilaadkii ka dhashay arintaasi isla-markaana Madaxwayne Siilaanyo uu cafis u fidiyo maxaabiistaasi markii uu ku qancay in labada beelood heshiis wada gaadheen.