Madaxweyne Siilaanyo Oo Boqorka Sucuudiga U Diray Dhambaal Uu Kaga Dalbanayo Inuu Ka Laabto Go’aanka Xayiraadda Lagu Saaray Xoolaha Somaliland

0
555

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa boqorka Sucuudiga u diray dhambaal uu kaga codsanayo inuu ka noqdo xayiraadda ku meelgaadhka ah ee uu saaray, xoolaha, gaar ahaan xoolaha Somaliland.

1

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dhambaalka uu u diray boqorka wadanka Sucuudiga, wuxuu si guud mar ah ugaga waramay kaalinta ay xooluhu kaga jiraan dhaqaalaha dalka Somaliland oo uu ku sheegay 70% iyo sida uu go’aankan Sucuudigu ugu soo beegmay iyadoo ay abaar adagi ka jirto Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay inaan xoolaha Somaliland lagu arag labada xanuun ee ay dawladda Sucuudigu sheegtay in lagu arkay xoolaha Somalida, isagoo sheegay inay Somaliland ka jiraan laba maxjar oo heer caalami ah.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu boqorka Sucuudiga ka codsaday inuu kala saaro xoolaha dalkiiga uga taga Somaliland iyo Somaliya, isagoo xusay inaan xoolaha Somaliland laga helin wax xanuun ah, sidaas daraadeed laga reebo xayiraadda xoolaha sida ku meelgaadhka ah uu u saaray.