Baaqa UDUB iyo Murashixiinta la filayo inay u badheedho tartanka UDUB

0
824

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga siyaasiga ah ee UDUB ayaa ku wargeliyay murashixiinta xisbigaas ka tirsan ee uu damacu ka hayo inay noqdaan murashixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee doorashada madaxtooyada soo socota, inay xisbiga u gudbiyaan codsiyadooda iyo CV-yadooda.

Sidaas waxa lagu sheegay qoraal wargelin ah oo uu soo saaray ku simaha xoghayaha guud ee xisbigas Cabdixaliim Maxamed Muuse, kaas oo sidan u qornaa “Anigoo ka duulaya Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB iyo Xeer-Hoosaadka Xulashada Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka iyo Go’aankii K/S Guddoomiyaha ee Shirkii Guddiga Fulinta 03/13/2011, Waxaan halkan  si guud ugu baahinayaa  inay  Musharixiintii u taaganayd Jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga UDUB  u soo gudbiyaan Codsiyadooda iyo CV-yadooda  K/S Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muddo Shan iyo toban maalmood gudahood (15 Maalmood) ah, oo ka bilaabmaya Salaasa 13 December, 2011.

Cidda Muddadaa ku soo gudbin wayda lagama qaban doono wax Codsi ah.

Wixii faahfaahin dheeraad ah waxa lagala soo xidhiidhi doonaa Xafiiska Xoghayaha Guud  ee Xarunta Xisbiga UDUB.”

Marka laga tago wargelinta xisbiga UDUB, waxa muuqda inay murashixiin badani u tartamayaan labadan jago gaar ahaan jagada Murashaxa Madaxweyne, waxaana raggaas ka mid ah Cali Maxamed Warancade iyo Siciid Sulub oo hore u cadeeyay inay yihiin murashixiin iyo weliba Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) oo isna la tuhunsanyahay inuu ka mid yahay ragga u sharaxan Madaxweynaha. Sidoo kale waxa isna ragga la tuhunsanyahay inuu hunguri murashax Madaxweyne hayo ka mid ah Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo isagu hadda ku sugan dalka Kenya iyo aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Si kastaba ha ahaate dhawaan ayaa la ogaan doonaa ragga ka badheedha hankooda murashax Madaxweyne ee xisbiga UDUB oo ku guuldaraystay doorashadii madaxtooyo ee sannadkii 2010 dalka ka dhacday.