Madaxweyne Siilaanyo Oo Aan Weli Guddiga Doorashada Ku Wareejin Lacagii Doorashada Iyo Mucaaradka Oo Ka Digay Dib U Dhac Kale Oo Dhaqaale La’aani Sababto

0
652

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa walaac ka muujiyay halis soo waajihi karta doorashada madaxtooyada ee qorshaysan November sannadkan, haddii aan la helin dhaqaalihii xukuumadu hore ugu yaboohday. Waxay ku dhawaaqeen  in aanu komishanka doorashooyinku wali gacanta ku dhigin dhaqaalihii xukuumadu ay u balanqaaday doorashooyinka.

Waxa ay xisbiyada mucaaradka ah ay ka digeen in doorashooyinku ay u qabsoomi kari waayaan dhaqaale daro la'soo darista, waxaanay xukuumada ugu baaqeen inay bixiso dhaqaalihii ay doorashooyinka ugu talo gashay, waxaana ugu horayntii xoghaya guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi"Maanta waxaanu ogaanay ilaa imika in aanay jirin wax laba bilood ka badan oo ay hubaan oo komishanku ay kharashkii hayaan intii kalena laga sugaayo xukuumada iyo Kulmiye, hawshii kale komishanku waa uu diyaargareeyay oo wax ka dhiman ma jiro, kharashkaas xukuumada iyo Kulmiye oo is huwan ay balanqaadeen mooyaane, kharashkaas la'aantiina dalka doorasho kama dhacayso, waxaanu ku guubaabinaynaa Kulmiyena aanu kala hadalnay in ay lacagtaas aanay dib u dhigin ee ay si dhakhso ah u bixiyaan."

Sida oo kale ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax ayaa dhankiisana waxa uu sheegay "Doorashadaas inoo mudaysan ee aad ogaydeen buuqa badan ee ka dhashay ee cayimaadeeda sida ay ku soo gaadhay aynu ogayn, ayaa uu maanta hadana warwar kale oo dhaqaale uu jiraa, markii horena masuuliyadeeda dawlada ayaa qaaday, qolooyinkii inaga caawin jiray doorashooyinka ee beesha caalamka way mooraal jabeen oo hada waxay ku bixinayaan ma jirto maadaama oo mudo kordhiskeenii uu batay, xukuumadana waxaynu ka maqlaynay anaga ayaa bixinayna wali waxba lagama hayo."

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo oo laba xilli loo kordhiyay ayaa laga sugayaa inuu bixiyo lacagta doorashada ku baxaysa, maadaama oo niyad jabkii ay beesha caalamku ka qaaday dib u dhaca iyo muddo kordhinta loo sameeyay ay sababtay inay joojiyaan dhaqaalihii doorashada ay ku bixin jireen.