Madaxweyne Siilaanyo Ma Mar Labaad Buu Doonayaa Inuu KULMIYE Isu Soo Sharaxo?

2
654

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dad badan ayaa waxa dhawrkii maalmood ee u dambeeyay galay dareen ah in Madaxweyne Siilaanyo uu ku jiro damac ah inuu mar labaad isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Somaliland, marka la gaadho doorashada madaxtooyada oo ku began sannadka 2015 badhtamihiisa.

 

Waxyaabaha dareenkaas sababay waxa ka mid ah safarkan u dambeeya ee uu Madaxweynuhu ku marayo gobalada kala duwan ee dalka, isagoo xalayna u hoyday magalada Baligubadle ee gobalka Hawd. Gobal kasta oo uu Madaxweynuhu soo maray laga bilaabo Saaxil, Burco, Oodweyne, wuxuu mid walba dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo qaarkood siddeed bilood ka hor la dhagax dhigay, halka iyna xadhiga ka jiray kuwo ay qabsadeen goleyaasha deegaanada ee degmooyinkaasi, sidoo kalena wuxuu isna dhagax dhigay jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

Waxa uu socdaalkan iyo dhagax dhigyada faraha badani ku soo beegmayaan iyadoo uu bisha December qabsoomayo shirweynihii xisbiga KULMIYE, kaas oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu Madaxweynuhu kaga dhawaaqi doono inuu murashax u yahay xisbigaas, shanta sannadood ee soo socda.

Madaxweyne Siilaanyo, si rasmi ah uma sheegin inuu isa soo sharixi doono doorashada dambe, sidoo kalena si rasmi ah umuu sheegin inaanu isa soo sharixi doonin, laakiin safarkiisan u dambeeyay waxa ka soo baxaya bidhaamo muujinaya inuu Madaxweynaha hayo damac siyaasadeed oo kale.

Hase yeeshe marka la gaadho bisha December ee sannadkan, ayaa la kala ogaan doonaa in Madaxweyne Siilaanyo ku dhiirado inuu mar labaad noqdo murashax iyo in kale.

Comments are closed.